Hargaysa 21.Jan 2014 (SDN)- Gololaha Guurtida ee jamhuuriyadda somalilad ayaa fadhigoodii maanta oo uu shirgudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Md=C/raxmaan sheekh Yuusuf sheekh madar ,ayaa mudanayaasha Golahaasi waxay warbixin ka dhagaysteen Guddi hoosaadka arrimaha Bulshada .
Xoghayaha Guddi hoosaadka arrimaha Bulshada ee Golaha Guurtida xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo oo ku hadlaayey afka Gudoomiyaha Guddida arrmaha Bulshda ayaa mudanayaasha Golahaasi ka hor akhriyey warbixintii Guddida arrimaha bulshada isagoo shaaca kaga qaaday ay kulamo xog waraysi ah la yeesheen wasaaradaha kala ah Caafimaadka ,khayraadka Biyaha ,Dib-udajinta iyo shaqada iyo arrimaha Bulshada .
waxaanu xoghayaha Guddi hoosaadka Gudidani warbixintiisa ku tilmaamay inay si rasmi ah dalka uga socdaan mashaariic Biyo baladhin ah kuwaas oo ka kalka socda Hargaysa ,Burco ,togwajaale iyo ceerigaabo ,iyadoo ceelasha xumbo weyne lagu soo xidhayo casimadda magaaladda hargaysa waxaan qorshaheedii socdaa sidii magaaladda laascaanood Biyo macaan loogu samayn lahaa
waxaanay geesta kale mudanayaashu doodooda kus xuseen warbixinta Guddida arrimaha Bulshada iyadoo taabanaysay sidii ay wax uga qaban lahayd wasaaradda caafimaadku dadka ka ganacsada farmasiiyada gaarka loo leeyahay inay hoos u eegto aqoontaada waxbarashada dhinaca caafi , hay-adda dhowrisata tayada oo ubaahan xeerkii ay ku shaqayn lahayd sidii ay howlaheeda udardar galin lahayd,si ay ulilaaliso agabka iyo badaacadaha dalkeena imanaaya .
waxaanu xukuumadd ugu baaqay xoghayaha guddidani inay wax ka qabtaan cilaajyada dalka ku sii faro badanaaya ,dadka ka ganacsada iskaraabka dalkeena , waxaanu ku amaanay wasaaradda caafimaadka xafiiska shaqo doon la yidhaahodo oo waxka taraaya shaqo la-aantii haysatay da-yarta dalka kana hortagaaya Aafada tahriibta waxaanu usoo jeediyey xoghayaha Guddidani in wasaaradda caafimaadku wax ka qabato in Gobolada aanay joojin dhakhaatiirtu inay geeyaan, lana baadho xirfada caafimaad ee ay leeyihiin dadka ka shaqeeya farmasiiyada gaarka loo leeyahay.
Xoghayaha Guddidani wuxuu soo jeediyey qodobo ay ak mid ahaayeen curinta xeer dhaqan oo lagu maamuli doono madax dhaqmaadkaana,ku wacyigalinta bulshadeena dhaqankeena suuban ,ilaalinta caafimaadka Bulshadeena iyo kobcinta iyo kor uqaadisa waxbarashada dalkeena .
Geesta Kale Wasaarada Kheyraadka Biyaha Somaliland ayaa cadeeysay in baadhitaano ay dhowaan sameeyeen lagu ogaaday in magaalada Laas-caanood iyo Wadaamago´ ku jiraan biyo macaan, lana dhamaystiray qoditaanka 34 ceel riigag ah ee kordhinta helitaanka biyaha miyi iyo magaalo.
Sida lagu sheegay warbixinta wax-qabadkii Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland oo ku saxeexan yahay Wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle uu maanta soo saarey, waxaana lagu bayaamiyey inay wakhtigan ku hawlan yihiin sahamin lagu samaynayo ilaa 200 ceelal cusub, isla markaana abuureen dugsi lagu tababaro xirfadlayaasha ceelasha Somaliland, dufcadii u horeysay oo ka kala yimi dhamaan gobolada dalka xilligan tababar uga socdo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
