Uncategorized

Abwaan Axmed Aw Geedi oo Shaqadiisii hay’adda HAVOYOCO ku waayay Maanso uu todobaadkan u tiriyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa Jan.22, 2014 (SDN)- Abwaan Axmed Aw Geedi oo ka mida hal-abuurka Somaliland, ayaa shaaciyay in shaqadiisii gaarka ahayd ay galaafatay maanso uu todobaadkan u tiriyay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Maansadan oo la magaac-baxday Garbo-diir, abwaanku wuxuu ku naqdiyay hab-dhaqanada xukuumadda xisbiga KULMIYE, iyadoo culays ka dhashay maansadaas oo xukuumaddu saartay hay’adda wadaniga ah ee HAVOYOCO ay sababtay inuu iska casilo shaqadaas, iyadoo aanay hay’addu waxba kala socon maansada uu tiriyay oo ahayd mid ku kooban fikirkiisa iyo hal-abuurnimadiisa suugaaneed ee shaqsiga ah.

Qoraal uu Abwaan Axmed Aw Geedi ka soosaaray Hargeysa oo uu kaga hadlay shaqo-ka-tegistiisaas, wuxuu u dhignaa sidan; “Aniga oo ah Abwaan Ahmed Aw Geedi Maxamuud  waxa  aan dadwaynaha lasocodsiinayaa in aan ka tagay shaqadii HAVOYOCO aan u hayay laga bilaabo maanta oo ah 21 January 2014 sababaha hoose ku qoran awgood.

Abwaan Axmed Aw GeediSida dad badani la socdaan waxa aan dhawaan soo saaray maanso la magacbaxday  Garbo-diir taas oo ahayd fikirkayga gaar ah taas oo aanan cidna ku mataleyn fikirkooda urur iyo shaqsiyaad gaar ah midnaba

Midda labaad maansadan waxa lala xidhiidhiyey xafiiska aan ka  shaqeeyo ee HAVOYOCO oo runtii  aan waxba kala socon tirinta maansadan shaqana aan ku lahayn  haba yaraatee

Sidaa darteed waxa aan go’aansaday in aan ka tago shaqada aan u hayay xafiiska HAVOYOCO laga bilaabo taariikhda kor ku xusan si aan howlahayga gaar ka ah ugu madax banaanaado.”

Dhacdadani waa tii u horeysay nooceeda ee muddooyinkan inta la ogyahay soo shaacbaxda, iyadoo siday u muuqato ay ka dhan tahay cabirista fekerka shaqsiga ah iyo xoriyatul-qawlka uu Distoorku muwaadiniinta u damaanad-qaaday iyo mabaadida dimoqraadiyadda.

Qurbejoog.com, Hargeysa