Uncategorized

Burburkii Kulmiye Oo Waji Kale Yeeshay Iyo Kaadiriyiinta Sarsare Oo Ka Bacoobay Guddidii Dhawaan Madaxweyne Siilaanyo Turxaan-bixinta u Diray oo Aan Wali Tallaabo Qaadin+ Maxamed Kaahin Oo Qaylo-dhaan Kula Dhex Dhacay Beeshiisa.

Hargeysa:28-Jan-2014(SDN)-Wali waxa taag iyo Maaro loo La’yahay Khilaafka Ragaadiyey Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye.

121Hoggaanka Sare ee Xisbiga oo haatan isku dhinac ah ayaa si weyn uga Ashkatoonaya Culays ballaadhan oo kaga imanaya Dhinaca Madaxtooyada, kaas oo uu soo Abaabulo wasiir Samaale oo isagu Haatan Libin siyaasadeed Gacanta ku Haya, maadaama uu dhawr jeer dib u dhigay Shirweynaha Xisbiga.

Mujaahid Maxamed Kaahin oo taageere Weyn u ah mujaahid Muuse Biixi, ayaa la sheegay inuu Habeenadii ugu dambeeyey waday Tallaabooyin uu ku Gudbinayey Tabcooyin oo uu sheegay inay wadaan Niman wasiirro ah oo hoosta kala socda Wasiir Samaale iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo haatan isku dhinac ah.

Mujaahidka ayaa la sheegay inuu Habeenadii ugu dambeeyey Rag sarsare oo ka Soo jeeda Beeshiisa, waxana uu u gudbiyey Hagardaamadooyin ay rag wasiirro ah oo beesha ka soo jeedaa ku wiiqayaan Sumcadda madaxweynaha iy midda Beeshaba.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Qurbejoog.com u sheegay inuu maxamed Kaahi kulamo kala duwan la yeeshay Ganacsato, Salaadiin iyo rag kale oo Odayaal ah oo ay isku  Beel yihiin, waxa uu  si weyn ugu sheegay inay qabtaan Wasiirro Beesha ku abtirsada oo Haatan Mucaaridad ku Haya Tallaabooyinka Xisbiga Dhexdiisa ka socda iyo Rabitaanka Hogaanka Xisbigu wadaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu Maxamed Kaahin Raggaas ka  codsaday inay wax kaqabtaan Ragaas Madaxweynaha Hagardaamada iyo sumcad xumada la daba socda, isagoo ku Hanjabay Haddii sida ay tahay wax looga qaban waayo inuu marka Dambe Warbaahinta ka sheegi doono dhammaanba Tallaabooyinka ay raggaasi Waddanka ka wadaan.

Mujaahid Muuse Biixi ayaa isagu Go’aansaday inaan Guddida Turxaan Bixinta Xisbiga loo Magacaabay wax Wada Hadal Toos ah lala Gelin, isagoo Tuhunsan innay Guddidani u badan yihiin rag gacansaar hoose la leh Wasiir Samaale oo haatan dhibaatada ugu weyn ee xisbiga ka dhex jirta isagu walaaqaya.

Sidoo kale waxa jira Shirar Hoose oo ay maxamed Kaahi iyo Muuse Biixi wadaan, kuwaas oo ay kaga Takhalusayaan Rag xisbiga ka tisan oo Warxumo tashiil iyo isku dir Hoggaanka iyo Madaxweynaha dhexdooda ah lagu eedeeyey.

Guddidii Madaxweynuhu turxaan bixinta u magacaabay ayaan iyagu wali wax tallaabo ah qaadin maadaama Hoggaanka Xisbigu ka Cago  jiideen shirar dhawr ah oo ay ugu baaqeen, waxana ay warkooda la sugayaan imaanshaha madaxweynaha.

Madaxweyne-ku-xigeenka ayaa isagu ka niyadjabsan hannaanka wax u socdaan, waxana ay hoggaanka Xisbigu ku eedeeyeen inuu si toos ah ula safan yahay Wasiir Samaale, waxana ay taasi wiiqday awooddiisii uu khilaafka xisbiga ku yarayn lahaa.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com