Uncategorized

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo maanso cusub soo bandhigay:DUNDUMO MAYDH

Hargeysa Jan 28,2014(SDN)-Maansadan la magac baxdey (Dundumo Maydh) oo uu curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Caawa oo ay taariikhdu tahey 28/01/2014. Wasxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan:-

dedan maahee daalacan,
geedi wuxuu u duurxuley
deeley u halabsadey,
nabar doogtu furantoo
damqashiyo xanuunba leh,
cidi kuma duduucine
dareen buuxsamaa jira,
waqtigaa u direy hawl
dadku uu ubaahnaa,
duufaanadii carab
ku dirqiyey waxyeelada
tuuniisiya wixii durey
masar daadkii wadagaley
liibiya ku daadegay
dabridkeedii yamaniyo
suuriya wixii degay
dakharadaa xasuutale
waxa didiyey waa cadho
dabuub horaa waxey tidhi
foodsaar daleysnaa
dabasaarkii loo celi
dulucdeedu waxay tahey
sharcigoo la daahiyo
xeerarkoo la daba marey
waxaan doono aan falo
ruuxna yuu i dabagelin
sidaa waxa daliishadey
nin dookhiisa sahansadey
waa dirkii nabruudiyo
fircoon dala’asigiisii
dushuunbaa la taabtee
wali looma daadegin
waxa daafta kale yaal
dilaal iyo malaaliyo
dibjiradu alooseen
himiladii dadku lahaa
danabadu ku le’edeen
duunyadeena loo hurey
duubyadu ku laabmeen
badhna aakhiro u degay
dib inaan u celiyaa
dariiqyga maahee
dibindaabyo kale iyo
cadawgaan mar hore direy
inaan daawo lala gelin
marlabaadna lay dagin
dawgaynu hayno
daliilkiisa yaa saxey
maxaa ii damaanada ,
afartaa daleeyaye
waxa aan ku darayaa.
dalka oo bukoodoo
cid dabiibta loo helin
eebaha deeqda bixiyiyo
daa’inkaan ka magangaley
su’aal baana daba taal
Xumaan daafaceediyo
Digarogoshodeedii?
abwaanadaan u dirayaa
iney doorkan keenaan
deelqaaf anoon ridin
waxan taa ku sii darey
d’a yartii dareertee
saxaraha ku dabar go’ay
ama raacey doonyaha
badahaa ku daakiyey
hilibkooda darabta ah
bahaluhu daldalayeen
ka dibirey libaaxiyo
kaluunkoo is daba galey
damanuhu ma moogyahey
dugayeeyda yeedhiyo
baroortaan mar qudha damin
ma damqadey ma jiidh naxey
dad ma dhaqe ma moogyahey
waxa didiyey maatada
waxa debad baxoodiyo
dabeyl raaca ugu wacan
waa su’aal deldelanoo
abwaanadaan u dirayaa
iney doorkan keenaan
afartaa daleeyaye
waxa aan ku degayaa
tu kaloo ka sii daran
cadligii dushu’u baxey
garsoorkaa dayaxa korey
xaqiibaa la dacal marey
sinaan laga dibooyoo
dadku wada jirkii lumi
dirsoociyo waswaasiyo
qabiilbaa darka u galey
samihiina laga durug
nin danlaa ka taajiray
ma durbaano khaliyaan
deymada ku dhowraa
ma dudada banaanbaan
ku dugaashadaa khalad
duurka waxan u galayiyo
meeday dawladnimadii
waa su’aal deldelanoo
abwaanadaan u dirayaa
dawadeedu waxey tahey
iney doorkan keenaan
afartaa daleeyaye
wax aanku darayaa
wali daalaleeydiyo
danta aan ka leeyahey
dabnaheygu mey furin
diihaalka gaajada
duruufaha adkaadiyo
danyaraha saboolka
daryeel li’ida haysiyo
dacartiyo dhibtuu qabo
nin dibirey ka xoogsadey
tiiyoo diifi haysoo
boqolaal dabloo shidin
cashuur lagu dalacayiyo
xisaabaha dul socodka’ah
dakhli laga uruursado
waxa loogu sii darey
nimcaa dedan dhulkeeniyo
kibir laga dul heesaa
cid u diirnaxaysoo
debecseni ku eegtoo
u damqada ma leeyiin
waa su’aal deldelanoo
abwaanadaan u dirayaa
iney doorkan keenaan
Axmedoow dundumo maydh
docna uma dhaqaaqee
waxaan doonisteedii
u dabaal-degaayiyo
waxan diidanee jira
inaan laba u kala deyo
diirka aan ka qaadee
dabayaaqadii mey
duhur laysu wada jiro
goosashadan dabka u ridey
go’aankii dadweynee
distoorkeena lagu dhigey
dedaalkaan ku goostiyo
ninka dood ka celiyaa
danbi qaran inuu galey
dadwaynaa u markhaatiya
carab dalable laba jeer
ninka ila dul joogoow
dumadaada weeyaan
waqtiyaa is daba marey
dabinaa ku hoos xidhan
miinaan dulmarayaa
doonibaa badweyn jaban
mawjadaa dalacayoo
ku dib jirey horseedkii
dalcadaa la galey adag
jarbaa lagu dul joogaa
fikir laga dambariyiyo
hadaan taladu dabar helin
go’aan loo degdegiyo
runta doobir laga dhigan
door-roone loo xuley
aanu diirada u qaban
daba gala wixii lumey
dawga laga habaabiyo
ku dabaala xeerkii
daacadnimo ku maamula
rajo daadegeysiyo
darayiyo dhib mooyee
wax is doorsha lama filo