Uncategorized

Sucuudiga oo Dalkiisa ka mamnuucay sharaabka Energy-ga leh, Iyo Saxaafada oo loo diiday inay Xayaysiiyaan

Riyad 04.March 2014 (SDN)- Golaha wasiiradda Dalka Sucuudiga ayaa xukuumadda ka mamnuucay inay sharaabka Energy-ga leh ku iibiso goobaha waxbarashada iyo goobaha adeegyada caafimaadka, sidoo kale waxay mamnuuceen shirkaddaha Xayaysiiya sharaabadaas, ee bixiya adeegyada bulshada, dhaqanka iyo munaasibadaha ciyaaraha.

energyXukuumadda Sucuudigu waxa kale oo ay shirkadaha sharaabka ka mamnuucday diginiinaha ku qoran luqadaha carabiga ah ee lagu dhajiyo sharaabadaas eek a warama khataraha ay ku yeelan karaan dadka. Waxaanay wasaaradda Arrimaha gudaha amreen in ay dabagal ku samayso fulinya awaamiirtan.

Wasiirka Dhaqanka iyo warbaahinta Dalka Sucuudiga Abdul Aziz Khoja ayaa warbixin uu soo saaray shirka golaha wasiiradda kadib ayaa sheegay in laga mamnuucay in ay sharaabkaas xayaysiiyaan saxaafadda wax daabacda, Idaacadaha iyo Telefishanadaba. Amiir Muqrin, ku-xigeenka Amiirka, La-taliyaha iyo Ergayga Boqorka ayaa guddoominayey shirka go’aankan lagu soo saaray oo ka dhacay Qasriga Boqortooyada ee Riyadh.

Sidoo kale, Golaha Wasiiradda Sucuudigu waxay soo saareen go’aan kale oo dadka Dalxiisayaasha ah shardi kaga dhigaya in ay ku jiraan Caymis Caafimaad, kaasoo daboolaya Fiisaha Dalxiiska, kordhinta Fiisayaasha dhaca, iyo kuwa dalalka loogu gudbo. Caymiskaas oo ka dabooli doona xaalad kasta oo Caafimaad, Gurmadka deg dega ah iyo caafimaadka la xidhiidha Diyaarada

Riyaad SDN.

Qurbejoog.com