Hargaysa 09.March 2014 (SDN)- Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka,Maaliyada,iyo Wershadaha oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Gebilay iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Degmada Wajaale halkaas oo laga bilaabay dhismaha Cisbitaal Weyn oo ay Somaliland ka Taageerayaan Imaaraadka Carabta.
Xubanaha Wasiirada ahi Waxay soo indho indheeyeen qaabka uu dhismaha Cisbitaalkani ku bilaabmay iyagoo Warbixino ka dhagaystay Mas’uuliyiinta heer Gobol,Mid Degmo iyo Waxgaradka Degmada Tog Wajaale.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumad ahaan ay diyaariyeen Wixii kabid dhaqaale ah ee Cisbitaalkani uga baahdo.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WASIIRKA CAAFIMAADKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaCaafimaadka9.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
