Hargaysa 09.March 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo Galabta isaga iyo Xubno ka Tirsan Golaha Wasiradu ay Kormeer ku Tageen Magaalada Wajaale oo laga Bilaabay Dhismaha Cisbitaal ay Somaliland ka Taageerayaan Dawlada Imaaraadka ayaa Si Cadho leh uga Fal Celiyay Qaar ka Mid ah Bulshada degmadaasi oo Sheegay in Dhulka laga dhisayo Cisbitaalkan ay iyagu Leeyihiin Isla Markaana aanay Cidi Weydiisan.
Wasiirku Waxa uuu ku dheeraaday qiimaha uu Cisbitaalkani u yeelan doono Mujtamaca ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Gebilay isagoo Xusay inuu kaalin Weyn ka Ciyaari doono sidii adeega Caafimaadka ay u heli lahaayeen Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu ka hadlay in Markii u horaysay adduun dhan afar milyan oo dollar la geliyay mashruuca Horumarinta Somaliland gaar ahaan Dhismaha Wadooyinka
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIRKA MAALIYADA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirkaMaaliyada9.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
