London 10March14(SDN) Asc waxaan salaamayaa shacabka somaliland iyo madaxda/ culimo_udiinka, indheer_garadka somaliland.salaan ka bacdi madaama Oo uu inagusoo fool leeyahay doorashadii parliemanka iyo madaxwaynaha somaliland ee election 2015 somaliland decides. cidii Parleimanka uga qaaybagalaysa gobolada iyo deeganada ka laduwan ee dalka iyo cidii aay u doornayso madaxwaynaha dalka.waxaa Inta aaynu ogsoonahay tartamaaya sadex xisbi oo uu ku jiro xisbul xaakimaka talada dalka haya ee kulmiye, waxa doorashada ku Waheliaya xisbiga ucid iyo wadani, intaaynu ilaa imika ognahay waxa sharaxan Jamaal cali xuseen oo u sharaxan xisbiga ucid, xisbiga Wadani waxa ka sharaxan cabdiraxmaan ciiro, xisbiga kulmiye ilaa imka ma cada cidaa u tartamaysa kursiga madaxtooyada Somaliland, sababtoo ah xisbul xaakimku muu qabsan shir kii guud ee aay ku dooranayaeen musharaxiintoodu uu ku jiro musharaxa Madaxwaynaha kulmiye iyada oo aaynu ogsoonahay in doorashadii madaxwayne nimada iyo tii parliemankaba aanay mudo yar oo bila Ihi ka hadhsantahay, hadaba akhriste sidaa caanka ah ee ka dhacda doorashooyinka Caalamiga ah ee lagu doorto madaxwaynaha Waxa la diyaariyaa inta badan sanad iyo badh ka hore intaan doorashada la qaban Ama wadamada qaar laba sanadood ayuu Campainka doorashadu qaataa udiyaargarawgiisa iyo ianaay musharaxiintu soo Bandhigto waxqabadkooda, hadaba hadii aan intaasi Ku dhaafo aararta mawduucaygan aan ka hadlaayo iyo hadalkagu waxa uu u Socdo oo ah imika madaama oo aynu dawlad ridayno (Laga yaabo in aaynu dib u doorano) ama doorano dawlad cusub iyo Parliemantryian cusub waa in aaynu falanqaynaa waxqabadka iyo God doloolooyinka dawlada iyo parliemanka fadhiya in habka aay U shaqeeyeen iyo waxqabadkooda iyo wasiirada iyo wasaradaha Waxqabadkooda uu center u noqdo xiliga lagu jiro campainka Doorashada oo ninwaliba book giisa waxqabad iyo xumaantiisa la soo Bandhigo oo sacaafada iyo shicibkuba waxna ka waydiiyan Waxna lagu qaato oo lagula xisaabtamo in dib loo doorto iyo in isagoo Fadeexadaysan doorashada lagala noqdo kalsoonida oo aan Dib loo dooran. hadaba halkan waxaan ku soo qaadanayaa. ugu horaayn
Aqoon yahan Siciid Xariir Diiriye oo ka hadlaya Musuqmasaqa laaluushka boobka ka imanaya wasiirada ganacsiga macdanta iyo tamarta iyo waxbarashada
1) Wasaarada Ganacsiga Iyo Maaalgashiga Caalamiga
Wasaaradani waa wasaarad musuqmaasaq aan xadlahaayni ka socdo waa wasaarad boobka hantida ma guuranka ah ee dalka u Soo jeenyo laabatay oo wasiirka wasaradan hogaamiyo MR 10% Dr beenaale Maxamed Cabdullahi cumar. mashaariicbadan oo Aaany goolaha wakiiladu siwanagsan loo horgaayn intooda badana aanu ansixin goolaha parliemanka soomaliland uu dalka keenay Mashaarciidcan oo aay ka midyihiin mashruuca algu iibinaayo dakada caalamiga ah ee berbera oo laga iibinaayo shirkad franciisa Iyo shirkado kale oo iyagana saldhigoodu yahay dalkan ingriisak oo haamaha shiidalka ee berbera laga iibninaayo, waxa kale oo jira Shirkado uu hooshoos ula soo ula soo heeshiiyay oo boobaaya guranaaya beenyada iyo xabagta khayraadka maguuranka ah ee Somaliland iyadoo aan waxba laga waydiin parlemanka somaliland iyo shicibka deeganadaasi daga toona siiba sool iyo sanaag. Ashaaarciidan oo lagu kala sexeexday lacag aan qiyaas lahaayn oo kor u dhaafay $$$$ billions of dollars, iyo shirkado iyaguna Guranaaya shiidalka iyo Shiidaalka somaliland sida GASTA IYO PATROLKA somaliland .WAXA HUBAALA IN UU SHIRKADAHAN SUUQA MADOOW KULA SOO HESHIIYAY isaga oo wararka xogogaalka ihi aay sheegayaan heshiiskasta oo uu saxeexay inuu ka Qaatay khidmad ah 10% oo marka saami ahaan dollar loo rogo heshiisakasta aay lacagtaasi kor u dhaafayso in ka badan $25 miilion Dollars each deal. lacagtan oo wasiirka sida heshiisku yahay loogu shubaayo bankiyada lacagta lagu qarsado ee swizerland uu Accounts ka furtay.
Hadaba akhristee shirkadaha Dr beenaale Mr 10% Maxamed Cabdullahi Cumar oo la soo heshiiyay oo la filaayo inaay ka badan Yihiin 10 shirkadood oo aay intooda badaniyihiin shirkadaha aduunak ugu budhcadsan ee booba khayraadka dunida sadexaad oo Haddii loo bahdo aanu magacyadooda soo dabici doono, ayaa ah qaar aan dalka iyo dadka somaliland toona aan u danaaynahayn , Islamarkaasina hadaay noqoto kuwa shidaalka kuwaa xabagta iyo beenyada iyo kuwakalaba aan si sharciga somaliland iyo Constitution ama dastuurka dalka waafaqasan aan dalka ku iman ee intooda badan si badheedha oo budhcadnima ah oo Qawlaasato nimo ku dheehantahay aay xukumada kulmiye ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxwayne axmed maxamed siilanyo Dalka ku yimid.
Waxa wax aad looga xumaado ah in golaha Wakiilada somaliland aanu shaqadii shacabku u doorteen uu garabmaray madaama oo Xukumada siyaasadeedu ku salaysantahay boobka hantida dalka inaay xildhibaanada intooda BADAN aay ku shaqeeyaan laaluush Iyo musuqmaasaq oo aay xukuumadu maalbadan iyo hantidii umada ku kahrashagayso inaay marsato masharciidan caalamiga ah Ee intoodabadan ku salaysan musuqmasaq iyo boob groupka siilanyo ku heshiiyeen.
Arinta kale ee fooshaxumi waxa weeye in xisbiyada mucaaradka ihi aanay si waayn diirada u saarin shaqsiyaadka uu ka midyahay DR Beenaale MR 10% Maxamed Cabdulaahi Cumar. iyo 22 wasraadood ee kale oo boobku ka socdo sida Wasarada Madaxtooyada Iyo qaarkaloo badan, hadaba waxaanu akhriste kuu balanqaadaynaa inta ka hadhay doorashada inaanu mid mid u soo qaadano Hawlaha Qawlaasatada iyo budhcaada boobaysa hantida Ummada ee ku shuraakoobay boobka iyo khayradka dalka iyo dadka.
LA SOCO QAYBAHA DANBE oo aanu ku eegi doono
A) Noocyada shirkadaha kala duwan ee heshiisyada la,la soo galay
B) Doorka Parliemanka wakiilada ee wasrada ganacsiga iyo malgashiga
C) Doorka Xisbiyada Mucaardka
Iyo anagoo uga gudbidoona Wasradaha Macdanta Iyo tamarta oo aay ku Xigi doonto Wasarada Waxbarashada Musuqmasaqa ka socda, ………………La soco..<<<<<
Siciid Xariir Diiriye
Xoghayaha Siyaasada Ucid Laanta UK & Europe
