Muqdisho Mar 16,2014(SDN)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi
Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dawladda Britain ee Soomaaliya Neill Wigan, waxaana ay ka wada hadleen gargaarka
bani’aadanimo ee la gaarsiinayo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka iyadoo Britain ay kamid tahay dawladaha ka qayb-qaadanaya gurmadka iyo xasiloonida goobahaasi.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Ridwaan ayaa sheegay in xubno kamid ah Golaha Wasiiraada ay booqdeen magaalooyinka laga
xoreeyay Nabad-diidka Alshabaab si ay uga qayb-qaataan in ay ka caawiyaan bulshadda deegaanadaasi xasiloonida iyo adeegyada kale ee
dadweynuhu ay u baahan yihiin.
“Magaalooyinkaasi waxaa ka socda gurmad baaxad leh oo bulshada caalamku ay qayb ka tahay. Waan sii xoojin doonnaa gurmadka iyo
dhismaha hay’adaha dawladda iyadoo ay nagala shaqayn doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta .
Ugu danbayntii Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan
Golaha Wasiirada ay socdaal ku tageen goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka si ay kaalin muuqata uga qaataan gurmadka iyo xasilinta.
SDN-Muqdisho
