Uncategorized

Khudbadihii Kala Duwanaa ee Daahfurka Bilawga Dhismaha Waddada Ceerigaabo Qurbejoog.com Ka {DHAGAYSO}

IMG_2998Ceerigaabo 17.March 2014 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Maanta si rasmi ah u Daah furay Bilaabay Dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo Burco iyadoo Munaasibad balaadhan oo arrintan la Xidhiidhana lagu Qabtay duleedka Konfureed ee Magaalada Ceerigaabo.

 

Madaxweynaha oo maanta ujeedadiisa ugu wayni ahayd inuu ka dhabeeyo balanqaadkisii hore ee ahaa dhagax-dhiga wadada ceerigaabo balse wajigii labaad ee uu madaxweynuhu ku soo gaadhay wadadaasi ayaa noqday mid uu kaga dhabeeyey dhaqaajinta Wadada Ceerigaabo ilaa Burco kadib markii Magaalada Ceerigaabo ay soo Gaadheen Qalabkii wadada lagu hirgelin lahaa isaga oo isla maantana Madaxweynuhu Cagta saaray Cagaf-cagaftii hormoodka u ahayd Qalabka wadada ceerigaabo loogu talo-galay.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII KALA DUWANAA EE MADASHII MAANTA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KhudbadihiiCeeri.mp3″]
Ceerigaabo SDN.

Qurbejoog.com