Uncategorized

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenk​a Soomaaliya iyo Safiirka Britain oo ka wada hadlay gurmadka iyo xasiloonid​a goobaha laga xoreeyay Nabad-diid​ka

Muqdisho Mar 16,2014(SDN)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi
Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dawladda Britain ee  Soomaaliya Neill Wigan, waxaana ay ka wada hadleen gargaarka
bani’aadanimo ee la gaarsiinayo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay  Nabad-diidka iyadoo Britain ay kamid tahay dawladaha ka qayb-qaadanaya  gurmadka iyo xasiloonida goobahaasi.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Ridwaan ayaa sheegay in  xubno kamid ah Golaha Wasiiraada ay booqdeen magaalooyinka laga
xoreeyay Nabad-diidka Alshabaab si ay uga qayb-qaataan in ay ka  caawiyaan bulshadda deegaanadaasi xasiloonida iyo adeegyada kale ee
dadweynuhu ay u baahan yihiin.

“Magaalooyinkaasi waxaa ka socda gurmad baaxad leh oo bulshada  caalamku ay qayb ka tahay. Waan sii xoojin doonnaa gurmadka iyo
dhismaha hay’adaha dawladda iyadoo ay nagala shaqayn doonaan qaybaha  kala duwan ee bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta .

Ugu danbayntii Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji  Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan
Golaha Wasiirada ay socdaal ku tageen goobaha laga xoreeyay  Nabad-diidka si ay kaalin muuqata uga qaataan gurmadka iyo xasilinta.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com