Hargeysa:18-March(SDN)-Waxa Tartan Loogu JIraa ka hadalka iyo ammaanta Safarka Madaxweyne Siilaanyo ee Gobolada Dalka, gaar ahaan midkan uu Haatan ku Joogo Gobolka Sanaag oo inta badan La Sheego inuu dalka intiis kale ka Dambeeyo.
Dadka ayaamahan Ammaanta madaxweynaha sida weyn ugu tafo-xaydnaa wax aka mid ah Xildhibaano Golaha Sharcidejinta ee umaddu dooratay ah, kuwaas oo xataa gaadhay Heer ay Yidhaahdaan madaxweynaha Mar labaad Hala Sooo Doorto.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada gaar ahaan kuwa Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye, ayaa Hadalo isdaba joog ah oo ay Madaxweynaha ugu ammaanayaan Safarkiisa Ceerigaabo Safaf Dhaadheer la Galay, waxana ay u tartamayeen sidii ay Yihiin Wasiiro Raalligelinaya Madaxweynaha, iyagoo ka Tegay Sharaftii iyo Milgihii Xildhibaanimo, isla Markaana laga Dheregsan yahay Maqaamka ay Haatan ka Taagan yihiin Bulshada Dhexdeeda.
Kaliya xildhibaanadan Hadlay ayaa u jeeddadoodu ahayd inay madaxweynaha Raalli ahaanshihiisa Kasbadaan, iyadoo Taasina caddaynayso inaanay Aqoon u lahayn shaqada ay Bulshada u hayaan, isla-markaana Aaminsan in Haddii Shaashadaha iyo Xarumaha Warbaahinta ay ka soo Bixi waayaan Iyagoo Madaxweynaha ammaanaya aanay waxba u socon doonin.
Sidoo kale waxa Yaab leh inay ku jiraan wax aan shaqadooda ahayn oo ah ammaanta Madaxweynaha oo u muuqata Kaalintii wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo, balse aan ahayn Goob uu nin Xildhibaan ahi soo Istaago Maanta.
Waxa kaliya ee ay sidoo kale Madaxweynaha ammaanta uga Dhigayaan ayaa ah inuu Safar ku joogo Goobo dalkiisa ka mid ah, isla-markaana uu dhagax dhigayo Waddooyin iyo xarumo Ballanqaadkooda uu hore u sameeyey si uu u guto waajibkiisa qaran.
Haddaba Su’aasha jirta ayaa ah Xildhibaannadani SHacabku soo Doortay ee Waliba muddo dhaafka ku fadhiyaa ma umadda ayey u shaqaynayaan oo Soo Dooratay mise Waxa ay Meesha u joogaan inay Madaxweynaha Raalli geliyaan oo ay shaashadaha ka soo Baxayaan iyagoo ammaan jeedinaya?
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
