Hargaysa 18.March 2014 (SDN)- Rasaas doora ayaa Mar Qudha waxay ka Oogsatay Xarunta hore ee Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa taas oo Bilaabantay abaaro 7:35 daqiiqo ee Caawa.
Ma Jiro War faahfaahsan oo tilmaamaya sababta keentay rasaastan hasa yeeshee Weriye ka Tirsan Shabkada Qurbejoog.com oo u dhow Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ay rasaasta huwiyeen Gaadhi Xawaare dheeraynaya ku socday oo ku weecday albaabka hore ee Madaxtooyada isla markaana ku Joogsan waayay amarkii Ciidanka.
Khasaare nafeed ayaan ka dhalan Tacshiiradan rasaasta ah oo si weyn looga maqlayay agagaarka Madaxtooyada ,Sidoo kale Ciidamada Madaxtooyada ayaa gacanta ku dhigay Gaadhigii iyo Ninka Waday oo haatan loo soo dhaadhiciyay dhinaca Saldhiga Dhexe waxaa kale oo si deg deg ah ugu soo Gurmaday Xarunta Madaxtooyada Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee RRU .
Gaadiidkii Isticimaalayay Wadada hor marta Madaxtooyada Somaliland ayaa Laga Joojiyay iyadoo la xidhay Jidkaasi.
Wixii War ah ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Qurbejoog.com
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
