Uncategorized

Farmaajo Oo Ka Hadlay Iscasilaadda Baarlamaanku Ka Dalbadeen Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho:May,09,2014(SDN)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ahna hoggaamiyihii loogu jeclaa intii ka dambaysay Burburkii Somalia, ayaa ka hadlay baaqii is-casilaada ee loo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

farmaajoMudane Farmaajo qoraal farriin ah oo uu soo dhigay boggiisa Twitterka ayaa waxa uu ku sheegay in dalka Soomaaliya uu marayo marxalada xasaasi ah oo u baahan in laga gudbiyo.

“Lama joogo xilligii la isku dhajin lahaa Kursiga madaxtinimada, ee halagu mashquulo sidii loo bad-baadin lahaa hooyooyin Soomaaliyeed iyo carruurta dar xumada u dhimanaya” ayuu ku sheegay boggiisa Twitterka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Farmaajo.

Wuxuu kaloo daaha uu ka qaaday, in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haddii uu isku arko in uu ku fashilmay siyaasadii uu dagsaday ay qasab ku tahay in uu tago.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, xilli madaxweyne xasan Khamiistii si rasmi ah loo guddoonsiiyay warqadihii ku qornaa baaqa  iscasilaadda, iyadoona la ogeyn sida uu xaalka noqon doono maalmaha soo socda.

Maxamed Cabdilaahi Farmajo oo soo qabtay Jagada Ra’isul wasaaraaha Somalia, isla-markaana Talada kaga degay Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynihii Xilligaas, ayaa wali qaba rajo ah inuu mar uun Dalka Majaraha u qabto, madaama oo uu ugyahay wanaagga iyo jacaylka ay bulshada somaliyeed u hayso.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com