Hargeysa:May,10,2014(SDN/QJ)-Masuuliyiinta dhinaca ka ahaa dacwadaha lagu soo oogay Masuuliyiinta wargeyska Haatuf, ayaa si weyn maanta cadaadis u saaray Maxkamadda Gobolka oo Xabsiga dhigtay Masuuliyiintaas.
Masuuliyiintan oo ay ka mid yihiin Wasiirrada Wasaaraha Macdanta Arrimaha Gudaha iyo Waliba Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Baashe Cumar, kuwaas oo su’aalo badan laga weydiiyey Damciyada ay ka gudbiyeen wargeyska Haatuf.
Maxkamadda oo aan loo ogolayn Saxaafadda Madaxa Bannaan, ayaa sdia ilo xogogaal ahi ay sheegayaan waxa su’aalo badan garsooruhu weydiiyey wasiirrada iyo waliba Masuuliyiinta wargeyska Haatuf, oo sida la sheegay laga majaro Habaabiyey Caddaymo ay cuskanayeen oo ay Goobta keeneen.
Wasiirrada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Macdanta ayaa iyagu halkaas ka akhriyey eedaha uu ka galay wargeyska Haatuf, waxana ay sheegeen inuu wargeyskaasi ku xad-gudbay sharaftoodii iyo waliba middii qaranka, isla-markaana uu faafiyey warar aan xaqiiqda ku fadhiyin oo been abuur ah.
Masuuliyiinta wargeyska ayaa iyaga lagu cadaadiyey inaanay si fiican uga jawaabin eedahaas, waxana loo diiday inay jawaabo waafiya ka bixiyaan Eedo uga yimi dhinaca Wasiirrada sida ay sheegeen qareenada u doodayey Masuuliyiinta wargeysku.
Sidoo kale wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay oo dhibane ka ahaa Kiiskan ayaa isaguna halkaas ka jeediyey Eedo uu u sheeganayo masuuliyiinta wargeyska Haatuf, kuwaas oo sababay in hore loo xayiro Wargeyska.
Wasiirrada wasaaraha Macdanta iyo Arrimaha Gudaha, ayaa diiday inay saxaafadda kala hadlaan Arrimaha ay maxkamadda u yimaadeen, waxana ay xawaare ku dhaafeen Wajahadda hore ee Maxkamadda oo ay ku sugaysay saxaafaddu.
Wiilka uu Madaxweye Siilaanyo Soddoga u yahay oo isaguna dacwaddan qayb ka ahaa ayaa firxad kaga baxay Maxkamadda, waxana uu diiday inuu ka hadlo kiiska iyo dacwadda Haatuf ka dhanka ah ee uu qaybta ka yahay.
Inkastoo masuuliyiinta wargeyska Haatuf qareenadoodu ku dacwoonayaan in la cabudhiyey oo awood dawladeed lagu muquuniyey, Haddana waxa muuqata in Wasiirrada imaatinkoodu uu muujinayo inay xoog iyo awood saarayaan dacwadda, taas oo maantaba keentay In la xidho Masuuliyiintii wargeyska oo Maantaba xabsiga loo taxaabay.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
