Uncategorized

Daawo Qaabka loo Gudo galay Dacwada Haatuf + Xeerkii Saxaafada oo la baalmaray iyo Eedaha la isu jeediyay

Hargaysa 10.May 2014 (SDN/QJ)-Maxkamada Gobolka Maroodi jeex ayaa Maanta dhagaysatay Maragyada Dacwadii loo haysatay Wargaysaka Haatuf isla markaana Xabsiga u taxaabtay Gudoomiyaha Wargayska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargayskaasi Axmed Cali Cige.

Fadhigan Maxkamada oo ahaa mid aan loo ogolayn warbaahinta isla markaana amaanka maxkamada aad loo adkeeyay waxaa goob joog ka ahaa Maragyada danbiga ku oogay oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Macdanta .

Ku Xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Axmed Cismaan Mire oo Dhagaysiga dacwada kadib Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaan ka bixiyay ayaa sheegay in Iyadoo dacwadu si habsami leh u socoto uu Yuusuf Cabdi Gaboobe bilaabay aflagaadayn iyo buuq uu ka bilaabay maxkamada taas darteedna anshax marin loogu xukumay.

Sidoo kale Qareenada u doodayay Madaxda Wargayska Haatuf ayaa Xaaraantimeeyay qaabka xadhiga Mas’uuliyiina Haatuf.

Hargaysa SDN/QJ