London June 10, 2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka UK ayaa shaacisay goaan kama danbeys ah oo lagu mamnuucay cunida,ganacsiga iyo keenida maandooriyaha qaadka.
Dawlada ayaa shaacisay in xabsi dheer lagu muteysan karo istcmalka iyo ganacsiga Qaadka oo mudo dheer laga doodayay dalkaasi.
Baarlamaanka dalka UK ayaa ugu danbeyntii waxa uu ansixiyay in qaadka uu mamnuuc ka yahay dalkaasi wixii ka danbeeya June 24, 2014.
Soomaalida dalka UK ayaa mudo dheer ku kala qeybsanaa doodo sanado socday oo looga arinsanayay in qaadka la mumnuuco iyo in kale.
Waxaana ugu danbeyntii doodihii iyo ololihii ku guuleystay kooxdii ku doodeysay in qaadku yahay masiibo la hadhay Soomaalida dalkaas iyo geeska Africaba.
SDN/QJ-London
contact@somalidiasporanews.com
