Uncategorized

Akhri Heshiis 5-qoddob Ka Kooban Oo Dawladaha Somalia iyo Burundi Kala Saxeexdeen

Bujunbura:Oct,19,2014(SDN/QJ)-Dalalka Somalia iyo Burundi ayaa wada Hadallo ay maalmahan lahaayeen kasoo saaray heshiis is afgarad oo dhawr qodob ka kooban.

bujuuuHeshiiskan ayaa waxa lagu kala saxeexday Caasimadda Dalka Burundi oo ay ku sugan yihiin wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo Ra’isal wasaaraha Somalia Cabdiweli sheikh Axmed oo muddo dalka dibadda kaga maqnaa.

Qodobada 5-ta ah ee labada dhinac ay isla garteen, ayaa waxaa dhanka Soomaaliya u saxeexay  Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga, Mudane Burci Maxamed Xamsa, iyadoo dowladda Burundi uu u saxeesay wasiirka Arrimaha Dibedda.

Heshiiskaan labada dowladood dhexmaray ayaa lagu baahiyay Bogga Radio Muqdisho, waxana ay qoddobada ku qorani u dhignaayeen sidan soo socota:

1-in dib u eegis lagu sameeyo xidhitaanka Safaaradda Somalia ee Bujumbura, isla markaana si taxadar leh loo hubiyo ujeedada xidhitaanka Safaaraddaasi.

2-in dib loo soo nooleeyo heshiis dhexmaray dowlaha Somalia iyo Burundi bishii May ee 2012-kii, kaas oo ku dhisnaa iskaashi iyo saaxiibnimada dheer ee labada dalka ka dhaxeysa ee dhanka ammaanka, maamulka, adeegga dowladda, ganacsiga iyo adkeynta xidhiidhka labada dal.

3-In labada dal ay si muuqata u wadaagaan wel-welka la xidhiidhka eedeynta loo jeediyey ciidammada AMISOM ee dhanka Kufsiga kana timid hey’adda Human Rights Watch, isla markaana guddi ka kooban wasiirrada iyo khubarada labada ay baadhaan arrintaasi, si tallaabo adag looga qaado cid walba oo ku lug yeelata eedeyntaasi.

4-in la sameeyo iskaashi dhanka Warshadaha oo u dhaxeeya Somalia iyo Burundi.

5-In wasiirrada Difaaca iyo Arrimaha Dibedda ay ka shaqeeyaan fulinta heshiiskan, isla markaana ay soo bandhigaan qorshahooda.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Burundi, ayaa labada dhinacba soo dhaweeyay heshiiskan, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu Burundi ku ammaanay dadaalada ay ku bixineyso in Soomaaliya ay nabad ka dhacdo.

Burundi, ayaa waxa ay kamid tahay dowladaha ciidankooda ay ka howlgalaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku shaqeeya magaca Amisom.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com