Madrid:Oct,20,2014(SDN/QJ)-Waxa Markii ugu horraysay Virus-ka Cudursidaha ah ee Ebola oo ay hore u qabtay laga waayey Haweenay Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay Dalka Spain, taas oo Noqotay wax ay soo dhaweeyaan shacabka dalkaasi.
Baadhitaano lagu sameeyay maanta Teresa Romero ayaa laga waayay cudurkan kadib markii ay ku jirtay isbitaal muddo laba toddobaad ah.
“Saddex ruux oo baadhitaano lagu sameeyay oo ay ku jirtay kalkaalisada dhammaantood waa laga waayay cudurka,” ayaa mas’uul ka shaqeya isbitaalka Madrid’s Carlos III hospital u sheegay wakaalada wararka ee AFP.
Romero oo ah 44-jir ah ayaa daweysay laba bukaan ah kuwaasoo uu dhintey cudurka Ebolaha isbitaalka Carlos III.
Bukaanka hore Miguel Pajares ayaa cudurkan ka soo qaaday dalka Liberia waxana uu u dhintay August 12keeii inkastoo lagu daweeynayay dawo tijaabo ku jirta oo lagu magacaabo ZMapp.
Bukaanka labaad Manue Garcia Viejo oo 69 ahaa ayaa u geeriyooday cudurkan 25-kii bishii September kadib markii uu cudurdhaliyaha Ebola uu ka soo qaaday wadanka Sierra Leone oo ka mid ah wadamada ugu daran ee uu cudurkan ku fiday.
Cudurka Ebolaha ayaa inkabadan 4,500 ku dilay caalamka sanadkan kaliya, iyadoo dadkaasi badankood ay ahaayeen dad ku nool wadamada Liberia,Sierra leone iyo Guinea.Waxana uu cudurkan yahay mid ku fida si fudud.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
