Abudja:Oct,20,2014(SDN/QJ)-Dalka Afrika ugu dadka Badan ee Nigeria ayaa Maanta ku naaloonaya warkii ugu farxadda Badnaa, maadaama la xaqiijiyey in laga waayey qof qaba xanuunka Ebolaha oo dalalka jaarka la ah faro baas ku haya.
Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maanta lagu wadaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in cudurka Ebola haatan aanu ka jirin dalka Nigeria, oo muddo 6 todobaad ah aanan lagu arkin kiisaska cudurkaasi.
Bishii July ayaa dalkaasi waxa ka jiray walaac weyn, kaddib markii diblumaasi Liberian ah oo qaba cudurkaasi uu tagay dalkaasi Nigeria.
Dalkaasi ayaa waxaa cudurkan ugu dhintay 8 qof halka kiisaska lagu arkayna ay ahaayeen 20-kiis.
Walaacii laga qabay in cudurkan uu ku faafo dalkan ballaadhan oo ay ku noolyihiin 170 milyan ee qof ayaa hadda laga hortagay. Balse khubarada caafimaadka ayaa ka digaya in dalka Nigeria uu weli u baahan yahay in uu aad ugu diyaar garoobo haddii uu soo noqdo Ebola, oo ay tahay mid suuragal ah.
Bishii July markii nin Liberian ah oo qabo cudurkaasi uu tagay magaalada Lagos, dalka ma uu u diyaarsaneyn cudurkaasi, balse iyaga oo kaashanaya gargaar kaga yimi caalamka ayaa waxa ay sameeyeen jawaab celin aad u wanaagsan.
Ku dhawaad 900 oo qof oo suuragal ay aheyd in cudurka ay qaadeen ayaa xaalkooda si dhaw loola socday, waxana lagu karantiimeeyey meelo gaar ah si aanay u faafin xanuunka.
SDN/QJ
