Hargeysa:Oct,20,2014(SDN/QJ)-Somaliland, ayaa Kadigtay Socdaal uu Boqorka Guud ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Xuseen uu ku damacsan yahay inuu ku Yimaaddo deegaanka Badhan ee Bariga Gobolka Sanaag.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo isagu arrintan ka Hadlay, ayaa soo jeediyey inaanu socdaalka Boqorku Noqonin mid siyaasad shaqo ku leh, isagoo xusay inay somaliland danaynayso in socdaalkaasi ahaado mid ku sallaysan arrimo dhaqan.
Mudane Cadami oo warbaahinta la Hadlay, ayaa si cad u sheegay inay il gaar ah ku hayn doonaan Socdaalka Boqorka oo haatan Deegaanadaas kusoo wajahan.
“Warar badanbaa la sheegayaa Wali xaqiiqadu ma sugna warar badanbaa la sheegayaa,waxaan ka digeynaa in Siyaasad lagaga soo horjeedo Somaliland jiritaankeeda laasim ilaahay kama dhigee in imaatinkiisaa aanay usabab noqonin intaasuunbaan ka digaynaa,laakiin Boqorada iyo Salaadiintu xuduud malaha Boqorka Caleemasaarkiisii Boqor Burhaan Boqor Muuse oo la yaqaan oo badhtamihii Sanadka ay Caleemasaarkiisa Salaadiin iyo Boqoro Somaliland ahi ka qeyb Gashay wax cadaawad ah oo lahayaana majiro,imaatinkiisa Badhana Cuqdad kama qabno oo waa sidaa si leeg”Ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Mudane Cadami waxa uu soo dhaweeyey qabanqaabada Suldaanka Guud ee beelaha warsangeli kusoo dhaweynayo Boqorka, waxana uu xusay inaanu ka xumayn oo ay tahay wax iska caadi ah xagiisa,
“Waa wax dhici kara in Suldaanku qeyb ka yahey Imaatinkiisa Badhan ee Boqorka Suldaan Siciid hada Badhan ayuu ku sugan yahey,isagaana martiqaadey wax shaki iyo Qarsoodi kujiro ma aha waana martiqaadi karaa waxaas oo dhami waa Baratakool aanaan haysan,oo aanaan kasoo horjeedin inta anaga noo darani waa saadaasha la sameynayo ee Siyaasada ah oo aan Maqaamka Saldanada iyo Maqaamka Boqortooyada ah midna ku wanaagsaneyn Suldaanku arin dhaqan ayuu Puntland ugu tagey horena ugu tagi jirey,kagana soo noqdey hada hadaan mid cusub la bilaabin taa iskumaanu ogayn”Ayuu yidhi Wasiir Cadami.
Wasiir Cadami ayaa isagu kasoo jeedaa Deegaanka uu Boqorku kusoo wahan yahay, waxana, waxana dhawaan Deegaankaas shir Beeshiisu ku qabsatay kasoo baxay natiijooyin ka dhan ah Somaliland, kuwaas oo markii hore wasiirku diiday inuu joojiyo oo uu sii socdo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
