Hargeysa:Feb,03,2015(SDN/QJ)-Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa waji gabax kala soo laabtay kulan uu saaka la qaatay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaas oo ku saabsanaa Waddada marta Albaabka u jeeda Koonfurta xarunta Komishanka oo la doonayey in la furo.
Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay, isla-markaana ay saxaafaddu bannaanka ka joogtay, ayaa guuldarro ku dhamaaday, waxana dibadda uga soo booday Maayar Soltelco oo cadho badani wajigiisa ka muuqato, kaas oo diiday inuu warbaahinta siiyo xogo la xidhiidha wajigabaxa uu la kulmay.
Muranka labada dhinac ayaa salka ku haya Maayarka oo doonaya in la furo wadda hormarta xarunta Komishanka doorashooyinka iyo xubnaha Komishanka oo horeba udiiday in waddadaas la furo, waxana lagu kala dhaqaaqay is afgaranwaa iyo cadho badan.
Komishanka doorashoyinka ayaa arrintan u daliishanaya ammaankooda oo halis geli kara iyo Maayarka oo la ogaaday inaanu lahayn wax awood ah oo la xidhiidha arrinta Waddooyinka, iyadoo dhawaan Wasiirka Arrimaha Guduhu si toos ah ula wareegay arrinta waddooyinka iyo mamulkooda, taas oo keentay in xubno badan oo Golaha degaanka Hargeysa ahi qaylo dhaan ka muujiyaan shaqo-dhaafka lagu sameeyey.
Mayaar soltelco ayaa noqday Maayarkii ugu horreeyey ee shaqadiisa lagu dul maamulay, waxana awoodda waddooyinka si tartiib tartiib ah ula sii wareegaya wasiirka Arrimaha Gudaha oo aanay jirin wax awood ah uu u leeyahay arrimaha Wadooyinku.
Ujeeddada la doonayey in waddan loo furo ayaa ah sii kala yareeye Cidhiidhiga waddoyinka iyo in qorhshaha wadadan muhiimka ah lagu daro midka dhawaan lagu kala beddelay Haadadkii loo mari jirey Waddooyinka kale ee Caasimadda ku yaalla.
Ma muuqato qorshe kan ka duwan oo Maayar Solteclo kaga dabaalan karo dhibaatada ka haysata arrimaha Wadooyinka caasimadda oo gacantiisa kasii baxaya, waxana wararku sheegayaan in lasoo badiyey ciidankii komishanka ee markii hore joogay Wadada Albaabka Komishanka ka marta Jihada Koonfureed oo haatan ay yaalliin Kaabado waaweyn oo ay dhigeen Komishankii kan ka horreeyey.
SDN/QJ
