Uncategorized

Ujeedadda Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Puntland, Jubba Land Iyo K/Galbeed Somalia Oo Muqdisho Looga Yeedhay

Muqdisho:Feb,04,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan saddex kamid ah Madaxweyneyaasha ugu tunka Weyn Maamuladda Soomaaliya ka jira, ayaa looga yeedhay Muqdisho, kuwaas oo la filayo inay maanta gaadhaan Caasimadda.

ilmoMadaxweyneyaasha loo yeedhay, ayaa kala ah Madaxweyne Gaaska Puntland, Axmed madoobaha Jubba Land iyo Shariif Xasan oo isaguna Madaxweyne ka ah Maamulka K/Galbeed Somalia.

Xogaha kasoo baxaya Yeedhmada masuuliyiintan, ayaa sheegaya inay casuumad gaar ah ka heleen Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo khafiifiyo cadaadiska dulsaaran xukuumadda cusub ee Ra’isal wasaare Sharma’arke la kulmayo, waxana Madaxweyneyaashan loo sheegi doonaa sidii xubnaha Baarlamaanka deegaanadooda kasoo jeedaa u yaran lahaayeen cadadiskaas.

Kulanka madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka ayaa waxaa riixaya beesha caalamka oo goob joog ahaan doonta iyadoo qodobada sidoo kale lagu lafo guri doono ay kamid yihiin dhismaha ciidanka qaranka soomaaliyeed oo la doonayo in awooddiisa kor loo qaado.

Xukuumada Cabdiweli Cali Gaas ayaa sida la rumeysan yahay la kufaa kaceysa mushahar siinta ciidamada Puntland kuwaasoo cabashooyin sameynayey bilihii lasoo dhaafey, waxaana uu doonayaa in ciidanka Puntland lagu magacaabo ciidan qaran, si dowladda federaalka ay mushahar usiiso..

Madaxweynaha Puntland ayaa kulamo uu la qaatey xubno ka tirsan beesha caalamka mamalmihii lasoo dhaafey ayaa ka codsadey in laga tageero mushahar siinta ciidamada.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegay in Gaas inta uu joogo magaalada Muqdishu madaxda dowlada Federaalka kala hadli doono arrimaha khuseeya shidaalka oo muran xoogani ka taagan yahay, kadib markii ay DF xanibtay heshiisyadii shidaal ee maamulkaas.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com