Uncategorized

Sii Daynta Hubkii Berbera Lagu Qabtay Oo Khilaaf Xooggan Ka Dhex Abuuray Wasiirrada Awoodda Ku Leh Madaxtooyada Iyo Dhinacyada Kala Irdhoobay

Hargeysa:Feb,04,2015(SDN/QJ)-Khilaaf xoogan oo laba garab u kala jabiyey Xubnaha Awoodda ku leh Golaha Wasiirrada Somaliland, kaas oo ka dhashay Siidaynta  Markabkii hubka siday ee shalay Somaliland dib u fasaxday.

hadlooXogaha ay helayso Qurbejoog.com, ayaa sheegaya in xubno awood leh oo Golaha wasiirradda kamid ahi ay iyagu si gaar ah madaxweynaha uga dhaadhiciyeen inuu fasaxo Markabkaas ooh ore xukuumaddu u sheegtay inaanay fasaxi dooni, isla-markaana maalin kahor intii aan la fasaxin laga rogay hubkaas saarnaa.

Xoguhu waxa ay intaas ku darayaan in Xubnaha madaxweynaha ku dirqiyey inuu fasaxo Hubkaas ay ugu horreeyaan Wasiirrada wasaaradaha Madaxtooyada, Arrimaha Dibadda, Hawlaha Guud iyo Guryeynta iyo Madaxweynaha oo ugu dambayn lagu dirqiyey inuu ogolaado siideynta Hubkaas.

Xubnaha kale ee iyagu cadhada ka muujiyey siidaynta Hubkaas, ayaa waxa kamid ah Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga iyo Xuno kale oo inta           Badan oo xukuumadda xilal ka haya, balse aan la dhegaysan Soo jeedimahooda la xidhiidha arrimaha qaranka muhiimka u ah.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in wasiirka Gaashaandhigga somaliland uu si weyn uga cadhooday Go’aanka Madaxtoyadu gaadhay ee markabkaas lagu fasaxay, taas oo keentay inay isku dhacaan Wasiirka Arrimaha dibadda oo ku adkaystay inaan lasii haysan Karin markabkaaas, isagoo ku andacoonaya inuu inuu carqalad ku yahay macaamilkooda bulshada caalamka.

Wasiir Waran-cadde oo isagu ayaamihii ugu dambeeyey ku Goodinayey inay la wareegi doonaan Markabkaas iyo Hubka saaran, ayaa isaga laftiidu cadho ka muujiyey siidaynta markabkaas, waxana wararku sheegayaan inaan si fiican loogala tashan isbeddelka ku dhacay Mawqifkii Xukuumadda ee diihaynta markabkaas.

Kala jabka ku dhacay  xubnaha madaxtooyada awoodda ku leh ee golaha wasiirrada kamid ah,  ayaa muujinaya sida ay xukuumadda madaxweyne siilaanyo ukala socoto ee aanay iskugu mawqfi ahayn, iyadoo hore xukuumaddu ugu gooddiyi jirtey in markabkaasi   yahay  mid aan gacantooda ka  bixi doonin.

Markabkan oo la sheegay inuu siday Hub culus oo casri ah, waxana Aakhirkii xukumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay in hubkaas laga leeyahay dalka Sudaan oo si toos ah ula soo xidhiidhay somaliland, isla-markaana ku qanciyey inay leeyihiin oo loo fasaxo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com