Uncategorized

Qarax Xooggan Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Beledweyne Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Beledweyne:Feb,04,2015(SDN/QJ)-Gudaha Caasimadda Gobolka Hiiraan ee Beledweyne, ayaa xalay waxa laga maqlay dhawaqa qarax xoogan oo ahaa nooca dhulka lagu aaso.

batoQaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaadhi ay wateen ciidamo kuwa dawladda ah oo marayey goobta miinada lagu aasay.

Inta la xaqiijiyay ilaa 2 qof, ayaa ku dhaawacmay Qaraxa Ciidamada dowlada lala eegtay inkastoo aan lasoo sheegin waxyeelo soo gaadhay Ciidamadii bartilmaameedku uu ahaa, sida saraakiil dowlada katirsan ay sheegeen.

Saraakiisha Caafimaadka isbitaalka magaalada Beledweyne ayaa xaqiijiyay in dhaawaca 2 ruux lasoo gaadhsiiyay Isbitaalka, kuwaasoo haatan la dabiibayo, oo xaaladoodu ay wanaagsantahay.

Majirto cid sheegatay Masuuliyada Qaraxan lala eegtay Ciidamada dowlada ,balse Al-Shabab oo dowlada Somalia iyo Ciidamada Midowga Afrika dagaal kula jira ayaa sheegta Weerarada iyo Qaraxyada Ciidamada dowlada lala eegto.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com