Uncategorized

SAXAFIYIINTA SOOMAALIYEED OO KA TACSIYEYSAY GEERIDA ALLAHA U NAXARIISTEE XASAN KUURIYA

Muqdisho Feb 04,2015(SDN/QJ)-Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa ay tacsi u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xasan Ciise Cali (Xasan Kuuriya) oo ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu muddooyinkii u dambeeyay uu ku xanuunsanayay.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Md, Maxamed Ibrahim, isagoo ku hadlaya magaca dhamaan suxufiyiinta Soomaaliiyeed waxa uu ka tacsi u diray dhamaan qoyskii, eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xasan Ciise Cali (Kuuriya), waxa uuna Alle uga baryay in uu Janatul Fardowsa ku abaalmariyo.

Allaha u naxariistee, Xasan Kuuriya waxa uu ahaa rug caddaa Saxaafadeed oo in muddo dheer ku dhex jiray saxaafadda, Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay tebi doonaan.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilaahi Raajicuun