Hargaysa 04.May 2015 (SDN/QJ)- Salaadiinta Bariga Caasimada Hargaysa iyo Galbeedka Burco ayaa Maalintii Shalay Kulan Gaar ah oo Saxaafadu dibada ka Joogtay Waxay Gurigiisa kula Yeesheen Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa markii Kulankaasi soo dhamaaday Wuxuu Hadal Kooban siiyay Warfidiyeenada,Waxaanu sheegay in Qasdigoodu ahaa Sidii ay Gudoomiyaha uga dalban lahaayeen in Wakhtigii Komiishanka doorashooyinku Ku Jaangooyay qabsoomida doorashada inay raacaan Guurtidu oo Go’aanka ka soo baxayaa aanu u noqon Mid ka soo Horjeeda dalabka Komiishanka.
Hargaysa SDN/QJ
