Uncategorized

Al-qaacidada Yemen Oo Hannaan Laga Argagaxay Qudha uga Jartay Muwaadinii Sucuudiga u Dhalatay

Mukallah:June,19,2015(SDN/QJ)-Al-qaacidada Dalka Yemen ka dagaallanta, ayaa Fagaare kuyaal magaalada Al-mukalla ee xarunta gobolka Xadra-muud ee Koonfur Bari Yemen kusoo bandhigtay Laba Nin oo ay basaasnimo ku eedaysay, kuwaas oo kasoo jeeda Dalka Sucuudia.

buunoLabadan nin, ayaa mid kamid ah lagu sheegay inuu sarkaal Al-qaacida katirsan oo si hoose Maraykanka ula shaqaynayey, isla-markaana la ogaaday haatan shaqadiisa.

Sarkaalka alqaacida ka tirsan ee basaasnimada lagu helay wuxuu caan ku ahaa Magaca Abuu Hammaam Al-xamiidi laakiin magaciisa rasmiga ah ayaa sidan ah Xassaam Al Khaalidi wuxuuna u dhashay dalka Sacuudiga.

Qoraal ay barta Tweter-ka kusoo qoreen Al-qaacidada Yemen ayaa waxaa lagu sheegay in dilka Saraakiishani Basaasnimada lagu eedeeyay loogu aarguday Hogaamiyihii Al-qaacidada Yemen oo dhawaan Mareykanku ku dileen diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn.

Meydka labada ruux ee la dilay ayaa lasoo sudhay buundo ku taalla magaalada Al-mukalla ee xarunta gobolka Xadra-muud ee Koonfur Bari Yemen halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Al-qaacidada falkaasi geystay.

Labad Meyd, ayaa inta Xadhko lugaha iyo Gacmaha lagaga xidhay laga soo laalaadiyey Buundadaas ilaa iyo intii nafu ka baxasay, iyadoo dadkuna daawanayeen.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com