Uncategorized

“Muddadaas sanadka iyo 6-da bilood ah Ee Inoo Hadhay Waa in dawlad Wadaag ah la sameeyo, sababtoo ah dawladdani waxay muddo xileedku ka dhammaanaysaa 26-ka June 2015,” Eng Faysal Cali-waraabe.

Hargeysa:June,22,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaaladda iyo Daryeelka Ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, ayaa ka Hadlay xaaladda Guud ee Dalka, waxana uu soo jeediyey in la dhiso Dalad Wadaag ah, maadaama muddadii Madaxweyne Siilaaanyo dhammaatay.

faysal caliEng Faysal Cali Waraabe oo madaarka Hargeysa saxaafadda kula hadlay xilli uu ka soo laabtay dalka Jarmalka ayaa sheegay in Somaliland arrimo badani hor yaalaan “Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaala arrimo badan. Arrimahaas waxaa loo baahan yahay in wada jir looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa inaanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn” ayuu yidhi Eng Faysal.

Hogaamiyaha Ucid wuxuu ku taliyay in la hirgaliyo heshiiskii ahaa in December 2016 la qabto doorashada ee asxaabta iyo xukumaddu isla gaadheen “Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi,, heshiiskaa in la hirgaliyo weeye.madaxweyne xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska,taa macnaheedu xukumadduna way ku jirtaa weeye,haddaanay dee kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku laakiin, waxaan filayaa in xukumaddu ku midaysan tahay rayigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay,waxay ahayd in lagu talaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.

Gudoomiyaha Ucid waxa uu ku dooday in la sameeyo dawlad wadaag ah inta lagu jiro muddada lagu heshiiyay in doorasho ku dhacdo “muddadaas sanadka iyo 6-da bilood ah waa in la qabto hawlo badan. Waxa ugu horeeya hawlahaas in dawlad la sameeyo, sababtoo ah dawladdan waxay muddo xileedku ka dhammaanaysaa 26-ka June 2015,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Hogaamiyaha Ucid waxa uu jawaab ka bixiyay hadal uu Madaxweyne Siilaanyo shalay sheegay oo ahaa in khilaafka muddo kordhinta ka taagan loo raaci doono sharciga dalku leeyahay “Madaxweynuhu markuu hadlayay wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay. Waa run oo sharci buu leeyahay, dastuur buu leeyahay laakiin maaha dastuurku in wixii isaga taabanayana ka boodo wixii kalena sheego maaha. Dastuurku wuxuu leeyahay 5 sannadood ayaa madaxweynaha la dhaariyay, 5-tii sannadood way dhammaadeen. Hadda wixii ka dambeeya dawlad midnimo qaran in la dhiso ayaa loo baahan yahay”

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in dawladdaas lagu midaysan yahay ka shaqayn doonto hirgalinta diwaangalin fiican,sidii sharciyada doorashada loo samayn lahaa,sidii komishanku dib u eegis ugu samayn lahaa goobaha codbixinta oo 6 sannadood ka hor la sameeyay, sidii dib u eegis loogu samayn lahaa dastuurka oo keenay muranno aanu ka gar niqin.

 

 

 

Eng Faysal, ayaa intaasi ku daray “Waxaa loo baahan yahay in arrimaha bariga iyo galbeedka si dhab ah loo soo afjaro.haddaan arrinta Boorama,Buuhoodle,Taleex ama Saax-dheer aan la dhammayn doorashada ka hor dee waxa weeye dalku wuu kala qaybsan yahay.markaa waa in arrintaas la soo afjaro oo si dhab ah loo galo.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com