Hargaysa 09.Aug 2015 (SDN/QJ)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Awdal ayaa gaashaanka ku dhuftay ku dhaqanka Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada ee lagu daray ajandaha Kal-fadhiga 28-aad oo shalay furmay.
Waxa ay sheegeen inaanu ahayn xeer ka turjumaya cadaalada iyo wax wada-qaybsiga Somaliland, isla markaana waxa ay ku tilmaameen Sharci dhinac ka raran.
Arrintan ayey ku tilmaameen tabasho hor leh oo qayb ka ah cabashada Siyaasaddeed ee caam ahaan u saameysay Deegaamada laga soo doortay.
Mudaneyaasha ayaa si gaar ah carrabka ugu adkeeyey inaanay aqbali doonin in tiro lamida xubnaha iminka Golaha ku jiraa ku soo baxaan Doorashooyinka dambe
Mudaneyaasha ayaa fariin u diray Madaxweynaha oo ay u soo jeediyeen inuu wax ka qabto tabashada bulshada ay wakiillada u yihiin ee Gobolka Awdal. Waxa kale oo ay daboolka ka qaadeen inaan Sulux iyo maslaxad ku meel-gaadh ah dalku ku jiraynin, balse loo baahanyahay in la waajaho nidaam Sharci oo Qof walba iyo deegaan walba xuquuqdiisa siinaya, taasna waxay xuseen inay marti uga yihiin Madaxweynaha Talada haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
https://www.youtube.com/watch?v=lduemRrxu5o&feature=youtu.be
Geesta kalena, waxa xusid mudan in kulanka ay go’aankan kaga dhawaaqeen ay u dhamaayeen Xildhibaanada laga soo doortay Gobollada Awdal iyo Selel. Waxaanay bilow u tahay qadiyadoodu caqabadaha iyo Jallaafooyinka horyaalla Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada ee ay Dawladdu asbaabaha uga dhigtay dib u dhaca Doorashada Madaxweynaha.
“Waanu qaadacnay Xeerka Doorashada Wakiillada Iyo Saami Quudheedka ku soo hagaagay Awdal” Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ee Gobolka Awdal Iyo Caqabad ku soo korodhay Khilaafka Doorashooyinka DAAWO
