Hargaysa 09.Aug 2015 (SDN/QJ)-Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Mudo badana ay Rafiiq dhow ahaayeen Madaxweyne Siilaanyo ayaa mar uu Maanta kula hadlayay Warbaahinta Gurigiisa Caasimada hargaysa Waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dalbaday in Isagoo adeegsanaya Awooda iyo Kalsoonida Shacabka inuu ku dhiirado oo fuliyo Heshiiskii ay wada gaadheen Sadexda Xisbi qaran iyo Xukuumadda ee ku aadanaa arrimaha doorashooyinka.
Mr Iskeerse ayaa sidoo kale duray dhawaq ka soo yeedhay Golaha Guurtida oo ku adkaysanaya Sharcinimada Mudo kordhintii ay sameeyeen,Isagoo ku Sifeeyey Xildhibaanada Guurtida Ciyaal ku Yimid qaab dhaxaltooyo ah Waxaa kale oo Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay tahay Mid kala socota oo aan dhan qudha u wada jeedin.
https://www.youtube.com/watch?v=phj_ZhQz5V0
“Madaxweyne Isticmaal Awooda uu Shacabkaagu ku siiyay oo Meel Mari Wixii Xisbiyadu ku Heshiiyeen” Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse DAAWO
