Uncategorized

Maxamed Mursi Oo Cuntada Ka Soomay Markii Uu Ogaaday In La Sumaynayo

Qaahira:Aug,10,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Dalka Masar Maxamed Mursi uu go’aan ku gaadhay inuu Cuntada ka soomo, maadaama ay soo baxayaan warar sheegaya in militerigii xukunka ka tuuray doonayaan inay sumeeyaan.

mursiWiil uu dhalay Mursi oo la hadlaayay Warbaahinta ayaa sheegay in Aabihii codsaday in si deg deg ah Dhakhtar loo geeyo si caafimaadkiisa loo baadho, sababo la xidhiidha in loo sumeeyay Raashiinka amaba la sumeeyay.

Mursi waxa uu sheegay in Sonkorta jidhkiisu aad hoos ugu dhacday, isagoo intaa ku daray in uu ka shakisan yahay cunto hore loo siiyay.

Cabsida ugu weyn ayaa ah in Raashiinka loogu daro Sun dhowr bil kadib dileysa ama naxiifineysa Jidhkiisa.

Maxamed Mursi ayaa Maxakamad ku taalla Masar waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah iyadoo loo haysto siro Masar ay leedahay in uu u gudbiyay waddamo shisheeye iyo weliba dilka dad isaga ku mudaharaadayay. Dowladda Masar wax jawaab ah kama bixin cunto ka soo mista Mursi.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com