Uncategorized

Xubno Reer Awdal Oo Gudaha Dalka Briatin Kulan Kula Yeeshay Madaxweynihii Hore ee Somalia iyo Shaki Laga Muujiyey

London:Aug,10,2015(SDN/QJ)-Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Xasan, ayaa kulan la qaatay  xubno kasoo jeeda Gobolka Awdal, kuwaas oo inta badan u xaydan midnimo Soomaaliyeed oo ay rabitaankeeda ku andacoodaan.

shariiirKulankaas oo dalka Ingiriiska Gudihiisa lagu qabtay, ayaa xubnihii soo abaabulay sheegeen inay ujeeddadoodu tahay in arrimaha soomaaliyeed iyo Baylahdooda laga wada hadlo, isla-markaana wax wada qabsiga iyo isku duubnida loo dedaalo.

Xubnaha kulankaas soo qabanqaabiyey oo ku hoos jira Dallad ay magaceeda ku sheegeen Samadoon Foundation, ayaa inta badan diirrada lagu saaray sidii dadku isku kaashan lahaayeen, waxna u wada qabsan lahaayeen.

Kulankan oo ujeeddadiisu dadnayd, ayaa dad badani shaki ka muujiyeen,maadaama lagu casuumay masuul hore usoo hoggaamiyey Qaranka Soomaaliyeed oo haatan kala googo’an, iyadoo xubno Reer Awdal ahi dibadaha uga ololeeyaan jiritaankii Qaranka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horraysay ee Madaxweyne HOre usoo hoggaamiyey Soomaaliya ay xubno Reer Awdal ahi kulan sidan oo kale ah la qaataan, iyadoo kulkaasi ahaa mid inta badan hadalladii laga sheegay saxaafadda loo gubiyey marka laga reebo waxyaabo la daahay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com