Lilongwe April 07,2012(SDN)-Madaxweyne ku xigeenka dalka Malawi Gabadha lagu magacaabo Miss Jooyis Baanda ayaa maanta ugu baaqday madaxda dalkaasi in loo hogaansamo distoorka dalka u yaala, oo sheegaya in madaxwene ku xigeenka loo dhaariyo jagada madaxweynaha haddii uu madaxeynihii dalku dhintay .
Waxana ay ka codsatay bulshada caalamka gaar ahaan dawladaha Koonfurta Africa ee ku bahoodaby ururka “SADAK” in ay gacan ka gaystaan sidii distoorka dalka u yaala loogu dhaqmi lahaa.
Hadalkan ka soo yeedhay Miss Jooyis Baanda, waxa uu ka dembeeyey markii ay dareentay loolan siyaasadeed oo lagu doonayo madaxtinimada dalka oo dhex maraya rag golaha wasiirada iyo baarlamaanka dalkaasi ku jira. Oo donaya
Waxana madaxweynihii hore ee dalkaasi uu ku dhintay dalka Koonfur Africa maalinti shalay isagoo da’diisu marayso sided iyo todobaatan sano, iy adoo dhimashadiisu sabab u noqotay wadne xanuun.
