Uncategorized

Gabadha Dhaxalka u leh xilka Madaxtinimo ee dalka Malawi oo sheegtay in la Ixtiraamo Dastuurka Dalkaas

Lilongwe April 07,2012(SDN)-Madaxweyne  ku xigeenka dalka  Malawi  Gabadha  lagu magacaabo  Miss  Jooyis  Baanda  ayaa maanta  ugu  baaqday  madaxda  dalkaasi  in loo hogaansamo distoorka  dalka  u yaala,  oo sheegaya in madaxwene ku  xigeenka loo dhaariyo jagada  madaxweynaha  haddii uu madaxeynihii     dalku  dhintay .

Waxana  ay  ka codsatay  bulshada  caalamka  gaar ahaan dawladaha  Koonfurta Africa  ee ku bahoodaby  ururka  “SADAK” in ay  gacan ka  gaystaan  sidii distoorka  dalka  u yaala loogu  dhaqmi lahaa.

Hadalkan     ka soo yeedhay  Miss  Jooyis Baanda,  waxa  uu ka dembeeyey   markii ay  dareentay  loolan siyaasadeed  oo lagu  doonayo  madaxtinimada  dalka  oo dhex maraya  rag  golaha  wasiirada iyo baarlamaanka   dalkaasi ku jira. Oo donaya

Waxana  madaxweynihii hore  ee dalkaasi uu ku dhintay  dalka  Koonfur Africa  maalinti shalay  isagoo da’diisu  marayso  sided iyo todobaatan sano,  iy adoo dhimashadiisu  sabab u noqotay wadne xanuun.