Uncategorized

Meelishaad Taabacsan Madaxweynihii hore ee Yemen oo weeraray gegida Duyuuradaha Sanca

Sanca April 07,2012(SDN)-Dablay   hubaysan  ayaa maanta  weerar ku qaaday  gagida  diyaaradaha  ee  caaismadda dalka  Yaman ee  Sanca,  taasoo sababtay inay  dadku  dhintaan  madaarkuna  xidhmo.

Saraakiisha  amaanka ee dalkaasi waxa ay  sheegeen in  weerarkaasi ay  qaadeen  Maleeshiyo hubaysan, oo ka  tirsan  qabiilka  madaxweynihii hore  ee dalkaasi  Mr  Cali Cabdalla  Saalax.

Waxase  uu weerarkaani ku  soo beegmay   maalin ka dib markii madaxweynaha dalkaasi  isku shaandhayn ku sameeyey saraakiisha  sare ee ciidamada  dalkaasi  oo ay ku jiraan   laba General  oo ay isku qoys ahaayeen  madaxweynihii hore  oo  jagooyinkoodii waayey.

Hase  ahaatee  saraakiishan  jagooyijoodii laga badalay  amaba  laga qaaday  oo tiradoodu  lagu  sheegay  ilaa labaatan sarkaal,  waxa lagu  eedeyaa in ay  ahaayeen qaar   aad  u  taageersan  madaxweynihii  hore  oo ku caan baxay  musuqmaasuq iyo eexda.

SDN-Sanca

contact@somalidiasporanews.com