Uncategorized

Madaxweynihii dalka Maali oo iscasilay iyo Afhayeenka Baarlamaanka dalkaas oo xilka qabtay

Maali April 09,2012(SDN)-Gudoomiyihii Baarlamaanka dalka Maali ayaa dalka Dib ugu soo noqday ka dib markii ay hogaamiyayaasha  inqilaabka milateri ay ogolaadeen in ay hogaanka dalka ku wareejiyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi si uu xukuumad ku meel gaadh ah oo Rayid ah u soo dhiso  oo talada dalka qabata.

Gudoomiyaha Baarlamaanka  Mr, Tirawri, ayaa la sheegayaa in lagu wado in uu madax ka noqon doono xukuumada ku meel gaadhka ah ee  dalka taladiisa  qaban doonto mudada ku meel gaadhka ah dalkana  laga qabanayo  doorashooyin.

Mr, Tirawri   waxa hor yaala muhimadda ugu weyn  ee sugaysaana ay oqn doontaa sidii uu xasiloonidii u soo celin lahaa, gaar ahaan goboladda woqooyi ee dalkaasi oo ay xoogaga Dawaariqiytiinta  iyo koox kale  oo muslimiin ahi ay kaga  dhawaaqeen  maamul ka madax-banaan malaawi inteeda kale.

Hogaamiyaha  dalalka caalamka ayaa waxa ay soo dhoweeyeen qaraarka ay hogaanka  inqilaabka dalkaasi ay ku gaadheen in ay maamulka u dhiibaan  ka hor intaan doorashooyin la qaban. Wxaanay madaxda caalamku   ay dhinaca kalena canbaareeyeen dhawaaqa falaagada dawaariqiyiinta ee  ku wajahan inay goosteen woqooyiga dalkaasi.

SDN-Maali

contact@somalidiasporanews.com