Uncategorized

Sidee loo arkay goaankii Madaxweyne Siilaanyo guddida ugu magacaabay wadahadalka Soomaaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa April 09,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland ayaa Habeen hore magacaabay guddi wasiiro ah oo uu sheegay in ay u gogol xaadhi doonaan wadahadal dhex mara Soomaaliya iyo Somaliland.

Arintan ayaa dad badan fejiciso ku noqotay,ka dib kolkii ay ula muuqatay in marka hore haatan aaney taagneyn xili labada dhan uu wadahadal dhexmari karo.

Ta labaadna waxa dad badan oo nala soo xidhiidhay ay la yaabeen sida Madaxweynuhu saqdhexe uu ugu magaacaabay wasiirada xukuumadiisa oo aaney cidi taraxin.

Waxa dad badani shaki ka muujiyeen qorshahan degdega ah ee madaxweynuhu la soo baxay.

Waxa la isweydiiyay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo in arrimahan tijaabo ka yihiin iyo in ay ka goan tahay in la dardargeliyo wadahal iyo wax qeybsi dhaca mudada ka hadhay inta xilka loo igmaday.

Si kastaba ha ahaatee waxa goaanka Madaxweyne Siilaanyo ka muuqda degdeg,bacdamaa aanu qodobkii Lixaad ee Shirkii London qeexin xiliga labada dhan ay tahay in ay wada hadlaan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com