Maali April 09,2012(SDN)-Gudoomiyihii Baarlamaanka dalka Maali ayaa dalka Dib ugu soo noqday ka dib markii ay hogaamiyayaasha inqilaabka milateri ay ogolaadeen in ay hogaanka dalka ku wareejiyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi si uu xukuumad ku meel gaadh ah oo Rayid ah u soo dhiso oo talada dalka qabata.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Mr, Tirawri, ayaa la sheegayaa in lagu wado in uu madax ka noqon doono xukuumada ku meel gaadhka ah ee dalka taladiisa qaban doonto mudada ku meel gaadhka ah dalkana laga qabanayo doorashooyin.
Mr, Tirawri waxa hor yaala muhimadda ugu weyn ee sugaysaana ay oqn doontaa sidii uu xasiloonidii u soo celin lahaa, gaar ahaan goboladda woqooyi ee dalkaasi oo ay xoogaga Dawaariqiytiinta iyo koox kale oo muslimiin ahi ay kaga dhawaaqeen maamul ka madax-banaan malaawi inteeda kale.
Hogaamiyaha dalalka caalamka ayaa waxa ay soo dhoweeyeen qaraarka ay hogaanka inqilaabka dalkaasi ay ku gaadheen in ay maamulka u dhiibaan ka hor intaan doorashooyin la qaban. Wxaanay madaxda caalamku ay dhinaca kalena canbaareeyeen dhawaaqa falaagada dawaariqiyiinta ee ku wajahan inay goosteen woqooyiga dalkaasi.
SDN-Maali
