Hargeysa May 12,2012(SDN)-Waxa maanta si rasmi ah isugu biidhay ururada Wadani oo isagu u soo guddbay isreebreebka gollaha degaanka iyo ururkii hadhay ee Badbaado.
Ururka Badbaado ayaa sida xaqiiqada ah ee laga war hayo waxa uu ka mid ahaa kuwa u ugtaageerada badanaa ururadii la yagleelay dhawaanta.
Ururkan ayaa madaxdii sare waxa xidhiidh dhaw oo dhabar taabashona ay ku dheehan tahay waxa uu la leeyahay Madaxtooyada Somaliland.
Hadaba maxey tahay sababta dhabta ah ee uu ururkaasi ugu soo guddbiwaayay is reebreebka danbe?
Maxeyse ku dhacday in uu noqdo ururka keliya ee aan hadhidiisa ku eedeyn Madaxtooyada,isla markaana ka maagay ka hadalka sababaha reebay.
Waxa hubaal ah in jawaabta suaashaasi ay si mug leh uga dheregsan yihiin madaxda ururka Wadani.
Hadaba maxaa keenay isku biirka labadan urur?xogogaal badan oo aanu weydiinay suaashaas ayaa sheegay in aaney meesha ka marneyn goaankana uu ka yimi Madaxtooyada oo aasaaska ururada lug weyn ku leh.
Bacdamaa uu Badbaado xidhiidh dhaw la lahaa Madaxtooyada maxaa ururka Nasiye oo kale oo qudhiisa laga warhayo in madaxtooyadu dabada ka riixeyso uu ugu biiri waayay?
Jawaabtu waa in Badbaado sharkeeda leedahay.cidii lagu lamaaneeyana wax lala damacsan yahay,cida sheeda kala dagaalameysana aan la carab dhabi karin,lana qancin karin.
Hadaba Wadani ma kafaaalo qaadi karaa mana qancin karaa duulalaka Badbaado ay dagaalamayaan?
Jawaabta mowduucaa waxa ay soo bixi doontaa tartanka Golleyaasha Degaan Somaliland ka dib.
SDN-Hargeysa
