Uncategorized

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Dhamaan reer Somaliland ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdin laheyd ee ku Timi Dr Cabdishakuur Cali Jawhar

Hargeysa May 13,2012(SDN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Qoraal Tacsiya oo uu maanta ka soo saaray Qasriga Madaxtooyada Somaliland waxa uu dhamaan ummada reer Somaliland ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdinta leheyd ee maanta ku timi Dr Cabdishkuur Cali Jowhar oo ku geeriyoodey inta u dhexeysa magaalooyinka Boorama iyo Dila.

Qoraalkan ka soo baxay Madatooyada Somaliland oo uu ku sexeexan yahay Afhyeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Cukuse ayaa u qoraa sidatan;

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Qoyska Reer Sheekh Cali Jawhar, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Aqoon yahankii weynaa ALLE ha u naxariistee MARXUUM, DR. CABDISHAKUUR SHEEKH CALI JAWHAR oo ku geeriyooday (13.05.2012) Shil Baabuur oo ka dhacay Wadada u dhaxaysa Boorama iyo Dilla.
Madaxweynaha oo ka hadlaaya qiimaha u MARXUUMKU ku lahaa bulshada iyo Qaranka Somaliland waxa uu yidhi:-

ILLAAHAY NAXARIISYII JANNO ha ka waraabiye DR. CABDISHAKUUR SHEEKH CALI JAWHAR waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanada waa weyn ee u dhashay Dalka Qiimo weyna ugu fadhiyey bulshada iyo Qaranka Somaliland, waxaanan illaahay ka baryayaa inuu dhamaanteenba Samir iyo iimaan ina siiyo, Cawil-naqiisana inoogu deeqo.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga baryayaa Oorida Marxuumka oo ku dhaawacan tahay shilkaa laftiisa Marwo Nimco Muxumed Maxamuud inuu illaahay u fudaydiyo Caafimaad deg-degana ka siiyo dhaawacaa ka soo gaadhay shilkaa baabuur.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

SDN-Hargeysa

contact@somalidaisporanews.com