Uncategorized

Hawl wadeeno ka tirsan Bah’da Caafimaadka oo Fursad waxbarasho ugu kicitimaya Wadanka Taywan

Hargaysa 13.Feb (SDN)      Xaflad lagu sii sagootiyay  Isuduwayaasha caafimaadka gobolada dalka, Xubno isugu jira dhakhaatiir iyo Kal-kaaliyayaal caafimaad, oo deeq wax-barasho ka helay dalka Taywaan ayaa maanta lagu qabtay huteel; Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka W/Caafimaadka Mudane Xuseen maxamuud (Xuseen Xoog), oo xafladaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay, in wasaarada caafimaadka  ay maanta  u tahay maalin taariikhiya, iyada oo aynu halkan ku sii sagootiyeyno ayuu yidhi  kooxdii ugu horaysay ee Kaalmo Waxbarasho ugu kicitimaya   dalka Taywan,waxaanuu wasiirku halkaasi uga mahad naqay  wasaarada  arimaha dibadda iyo safiirka Somaliland  u fadhiya dalka Ingiriiska mud, Cali aadan Cawaale. Oo  uu sheegay inay,gacan weyn ka gaysteen  koorasku sidii uu  meel mar u noqon lahaa.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirku ku xigeenka wasaarada Arimaha dibada Mud, Mowliid Axmed ibraahim waxaanuu xog-waran ka bixiyey howlaha  ay qabato wasaarada arimaha dibada , isaga oo xusay inaanay howsha wasaaradu ahayn arimaha siyaasadda oo keliya, balse ay  doorkeeda ka qaadato dhammaan wixii horumarka dalka ku saabsan sida siyaasada ,dhaqaalaha iyo tababaradaba.

Waxaanuu Wasiirku intaa ku daray in wasaarada ay 12-wakiilo dalalka dibada u kala joogaan, kuwaasi oo howlo lataaban karo dalka u soo qabta sida tababarkan maanta  oo uu ka howl galay, meel marintiisana uu gacanta ugu weyn ku lahaa wakiilka Dalka Ingiriiska iinoo joogaa.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cali Aadan cawaale ayaa isna  halkaasi hadal kooban ka  jeediyey,waxaanuu  ka waramay  xidhiidhkii dalka taywan ay la sameeyeen oo ku wajahan sdidii labada dal ee s/land iyo Taywan ay xidhiidh u yeelan lahaayeen,xidhiidhkaasi oo uu sheegay in  midhihiisii u horeeyey ay yihiin tababarkan maanta aynu halkan u fadhino.waxaanuu intaa raaciyey in xidhiidh  iskaashi iyo mid wax-wada qabsi aynu yeelan doono dalka taywan oo aad u danaynaya Somaliland.

Hargaysa SDN.