Hargaysa 13.Feb (SDN) Xaflad lagu sii sagootiyay Isuduwayaasha caafimaadka gobolada dalka, Xubno isugu jira dhakhaatiir iyo Kal-kaaliyayaal caafimaad, oo deeq wax-barasho ka helay dalka Taywaan ayaa maanta lagu qabtay huteel; Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka W/Caafimaadka Mudane Xuseen maxamuud (Xuseen Xoog), oo xafladaa ka hadlay ayaa waxa uu sheegay, in wasaarada caafimaadka ay maanta u tahay maalin taariikhiya, iyada oo aynu halkan ku sii sagootiyeyno ayuu yidhi kooxdii ugu horaysay ee Kaalmo Waxbarasho ugu kicitimaya dalka Taywan,waxaanuu wasiirku halkaasi uga mahad naqay wasaarada arimaha dibadda iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska mud, Cali aadan Cawaale. Oo uu sheegay inay,gacan weyn ka gaysteen koorasku sidii uu meel mar u noqon lahaa.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay wasiirku ku xigeenka wasaarada Arimaha dibada Mud, Mowliid Axmed ibraahim waxaanuu xog-waran ka bixiyey howlaha ay qabato wasaarada arimaha dibada , isaga oo xusay inaanay howsha wasaaradu ahayn arimaha siyaasadda oo keliya, balse ay doorkeeda ka qaadato dhammaan wixii horumarka dalka ku saabsan sida siyaasada ,dhaqaalaha iyo tababaradaba.
Waxaanuu Wasiirku intaa ku daray in wasaarada ay 12-wakiilo dalalka dibada u kala joogaan, kuwaasi oo howlo lataaban karo dalka u soo qabta sida tababarkan maanta oo uu ka howl galay, meel marintiisana uu gacanta ugu weyn ku lahaa wakiilka Dalka Ingiriiska iinoo joogaa.
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska Cali Aadan cawaale ayaa isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey,waxaanuu ka waramay xidhiidhkii dalka taywan ay la sameeyeen oo ku wajahan sdidii labada dal ee s/land iyo Taywan ay xidhiidh u yeelan lahaayeen,xidhiidhkaasi oo uu sheegay in midhihiisii u horeeyey ay yihiin tababarkan maanta aynu halkan u fadhino.waxaanuu intaa raaciyey in xidhiidh iskaashi iyo mid wax-wada qabsi aynu yeelan doono dalka taywan oo aad u danaynaya Somaliland.
Hargaysa SDN.
