Hargaysa 13.Feb (SDN) Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Mud, C/casiis Maxamed Xaashi ayaa maanta Kulan howleed ku saabsan Habka maamul-wanaag uga furay Todobaatan Xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Golayaasha Degaanka ee Goboladda dalka huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Furitaankii Kulan-howleedka waxa ugu horayn ka hadashay Agaasimaha Fulinta Daladda Negaad oo iyagu soo qaban-qaabiyey kulan-howleedka Marwo Nafiisa Yuusuf Axmed, waxaanay ka warantay ujeedada kulan-howleedka loo qabtay, waxaanay xustay in duruusta kulanka ay ku qaadan doonaan mudayaashu ay u arkeen inay yihiin kuwo ay uga faa’iidaysan karaan shaqooyinka ay hayaan.
Marwo Nafiisa waxa ay intaa ku dartay , in duruusta la qaadanayo ay ku jiraan ballan qaadyadii mudayaashu xiligii ay ku jirteen Ololihii doorashadii golayaasha degaanka ay dadweynaha u qaadeen inay fulin doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada, kuwaasi oo ay sheegtay in iyaga oo duuban ay hayaan. Waxaanay mudanayaasha u rajayaan in mudada uu u socdo oo laba cisho ah ay si wanaagsan uga faa’iidaysan doonaan.
Ku xigeenka Duqa Caasimada Hargeysa Mud,, C/casiis Maxamed Xaashi, oo isna hadal kooban halkaa ka jeediyey ayaa xildhibaanada kulan-howleedku u furmaykula dar-daar-may in ay si haboon uga faa’iidaystaan duruusta ay ku qaadan doonaan.
Hargaysa SDN.
