Hargaysa 03.March (SDN) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa si adag u Canbaareeyay Xadhig lagula Kacay Weriye Maxamed Aadan Dirir oo lagu Xidhay Magaalada Caynabo ee Xarunta Gobolka Saraar.
Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Solja Maxamed-Rashiid Muxmumed Faarax ayaa u dhignaa :- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriye maxamed aadan dirir oo doraad 12-kii duhurnimo si sharci daro ah loogu xidhay magaalada caynabo isagoo aan loo marin sifihii sharcigu u jidaynayay qabashadiisa oo aan wax waaran ah maxkamdi usoo goynin
Iyadoo sida uu noo cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay gudoomiyaha maxkamda caynabo lagu eedeeyay inuu jeelka caynabo xoog ku galay intuu askartii jiidhay oo uu sawiro kasoo qaaday nin ku eedaysnaa kufsi isla markaana uu warkaasi ku baahiyay shabakada wararka ee caynaba news’
Arintaas oo ururka solja u arko inaanay macquul ahayn in weriye aan qori sidani xoog ku gali karo jeel askari ilaalinayso sidaa daraadeed ururka solja wuxuu ka codsanayaa maamulka caynabo iyo xukuumada sare ee Somaliland inay xoriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan hadii ama degdeg loo horkeeno maxkamad .
hargeysa@qurbejoog.com
Hargaysa SDN.
