Uncategorized

Wasiiro Kulan Hawleed Degmada Sheekh uga Furay Golayaasha Deegaanka ee Todoba Magaalo oo waaweyn.

Hargaysa 03.March (SDN)  Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo ay Weheliyaan Wasiirada Maaliyada iyo Qorshaynta Qaranka ayaa Maanta Magaalada Sheekh Waxay Tababar Mudo lix Cisho ah qaadan doona uga Fureen Maayarada iyo Xildhibaanada Todoba ka mid ah Magaalooyinka Waaweyn ee dalka .

Shirkan oo ay Soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ujeedadiisu waxay Salka ku haysaa sidii Xidhiidh isbarasho u dhex mari lahaa Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Darajadoodu tahay A, iyo sidii ay Xidhiidh Wada Shaqayneed ula yeelan lahaayeen Wasaarada Arrimaha Gudaha isla markaana ay ugala Shaqayn lahaayeen Sugida Nabadgalyada.

Waxaana Aqoon isweydaarsigan ka Qayb qaadanaya Golayaasha Deegaanka ee Magaalooyinka Hargaysa,Boorama,Gebilay,Berbera,Sheekh, Burco,iyo Ceerigaabo.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale ayaa sheegay in kulankani uu ku Wajahan yahay sidii ay u Astayn lahaayeen una qiimayn lahaayeen halka ay joogaan iyo waxyaabaha ay uga fadhiyaan bulshadii soo dooratay,Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu dareensiiyay Xildhibaanadii ka qayb galay kulan hawleedkaas xilka iyo Waajibaadka laga rabo inay dabaqaan isagoo intaas ku daray inay Wasaarada ahaan doonayaan sidii ay Xidhiidh Cago adag ku taagan ula yeelan lahaayeen Maamulada Magaalooyinka Waaweyn ee Wadanka .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.Casiis Maxamed Samaale ayaa dhankiisa ka sheegay in Golayaasha deegaanka ay ka dalbanayaan sidii ay Wasaarada Maaliyada uga gacan siin lahaayeen soo ururinta dekhliga dawlada dhexe .

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire ayaa dhankiisa ku dooday in hadii ay Maamulada degmooyinku gacmaha isu qabsadaan ka midho dhalinta yoolka ay higsanayaan ay ku gaadhi karaan guul .

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil iyo La Taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada iyo degmooyinka ayaa kulankaasi ka hadlay .

Waa Markii u horaysay ee Kulan noocan oo kale ahi dhex maro Xukuumada iyo Maamulada Degmooyinka Caasimada .

hargeysa@qurbejoog.com
Hargaysa SDN.