Uncategorized

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja oo si adag u Canbaareeyay Xadhig lagula Kacay Weriye Maxamed Aadan Dirir

Hargaysa 03.March (SDN)  Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa si adag u Canbaareeyay Xadhig lagula Kacay Weriye Maxamed Aadan Dirir oo lagu Xidhay Magaalada Caynabo ee Xarunta Gobolka Saraar.

Warsaxaafadeed uu ku Saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka Solja Maxamed-Rashiid Muxmumed Faarax ayaa u dhignaa :-  Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga weriye maxamed aadan dirir oo doraad 12-kii duhurnimo si sharci daro ah loogu xidhay magaalada caynabo   isagoo aan loo marin sifihii sharcigu u jidaynayay qabashadiisa oo aan wax waaran ah maxkamdi usoo goynin

Iyadoo sida uu noo cadeeyay mar aanu xalay la xidhiidhnay gudoomiyaha maxkamda caynabo lagu eedeeyay inuu jeelka caynabo xoog ku galay intuu askartii jiidhay  oo uu sawiro kasoo qaaday  nin ku eedaysnaa  kufsi isla markaana uu warkaasi ku baahiyay shabakada wararka ee caynaba news’

Arintaas oo ururka solja u arko  inaanay macquul ahayn in weriye aan qori sidani xoog ku gali karo jeel askari ilaalinayso  sidaa daraadeed ururka solja wuxuu ka codsanayaa maamulka caynabo iyo xukuumada sare ee Somaliland inay xoriyadiisa sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiyaan hadii ama degdeg loo horkeeno  maxkamad .

hargeysa@qurbejoog.com
Hargaysa SDN.