Uncategorized

Maareeyaha Haamaha Shiidaalka ee Berbera oo ka jawaabay eedayn uga Timid Ganacsatada Shiidaalka

Hargaysa 03.March (SDN)   Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaalada Berbera Cismaan Cabdi Barkhadle ayaa si weyn uga galgashay Eedayn ay u soo jeediyeen Qaar ka mid ah Ganacsatada soo dejisa Shiidaalka, kuwaas oo Sheegay in Shiidaalka lagu Kaydinayo Haamaha berbera aanu ahayn mid nadiif ah.

Maareeyuhu Waxa uu ku dooday in eedayntaasi ay tahay mid aan Waxba ka jirin oo been abuur ah isagoo xusay in haamaha kaydka ee Magaalada berbera uu ku jiro Shiidaal nadiif ah isla markaana ay Xukuumada uga mas’uul yihiin Sida uu Yidhi Shiidaalka dalka ay keenayaan Ganacsatada waxaanu intaas ku daray in Todobaadkii tagay ay dib u celiyeen isagoo yidhi “Hadaanu dawlada nahay Waxaanu Mas’uul ka nahay haamaha Kaydka Shiidaalka anagoo Kiro ka qaadna ganacsatada Isticimaasha marka ay soo dejiyaan Shiidaalka” Maareeyaha oo sii Wata hadalkiisa ayaa yidhi “Wuxuu Xil naga saaran yahay inaanu hubino Tayada Shiidaalka ay Wadanka keenayaan Ganacsatada Wadaniga ah waxaan idiin Sheegayaa inaan Todobaadkii tagay Waxaanu Celinay Sadex Tangar oo Shiidaal ah kuwaas oo ay kala lahaayeen Shirkadaha Read Sea,Walaalo Company iyo Haas, Sadexda Tangar waxaa ugu Shiidaal liitay Shirkada Read Sea,Markaas waxaan u aragnaa hadaladan dacaayada ah kuwo ka dhashay dib u celinta Shiidaaladaas”

Si kastaba ha ahaatee Xukuumada Somaliland ayaan dhinaceeda ka hadal ilaa iminka Kor u kaca Qiimaha Shiidaalka oo Keenay inuu Kordho Qiimaha Korontada isla markaana ay Iskaashatooyinka Basaskuna ku Goodiyeen in hadii ay Xukuumadu wax ka qaban Weydo Kor u kaca Shiidaalka ay ku talaabsan doonaan inay kordhiyaan Qiimaha lagu raaco basaska isaga kala goosha xaafadaha caasimadu ka kooban tahay.

hargeysa@qurbejoog.com
Hargaysa SDN.