Uncategorized

Golaha Wakiilada oo Xog Waran ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada Beeraha

Hargaysa 02.May (SDN)  Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa warbixin ka dhegaystay wasiirka wasaaradda Beeraha ee JSL Prof: Faarax Cilmi Maxamud  Geedoole.
Wasiirka Beeraha ayaa mudanayasha u faahfaahiyey waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda Beeruhu, isagoo sheegay in wasaaraddu u qaybsan tahay shan waaxood oo kala ah, Waaxda maamulka iyo lacagta, waaxda dhulka iyo biyaha waaxda badbaadinta dhirta iyo la dagaalanka cayayaanka iyo waaxda qorsheynta.
Prof, Geedoole waxa uu golaha ka hor caddeeyey in wasaaradda beeruhu ku hawlgasho qorshe shan sanadeedle ah, qorshahaas oo ay ugu waaweyn yihiin dhismaha xarunta guud ee wasaaradda iyo xarumaha Gobolada, in tababaro la siiyo shaqaalaha wasaaradda iyo in la aasaaso waaxda  IT-ga si ay u fududaato wada shaqaynta ay wasaaraddu la leedahay hay’adaha kale e dawladda, wax weyna laga qabtay kordhinta xafiisyada ay adeegsadaan qaybaha wasaaraddu mudadii labada sano ahayd ee u dambaysay.
Wasiirka beeraha ayaa dhanka kale waxa uu mudanayaasha golaha wakiilada u gudbiyey warbixin tilmaamaysa hanaanka ay wasaarad ahaan uga hortageen nabaadguurka ay sababaan daadadka iyo biyaha dooxyada ee rogmanaya kuwaasoo qaada ciiddii nafaqada lahayd, isagoo sheegay inay wasaaradda oo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah ay sameeyeen biyo qabatino hakiya qulqulka biyaha. Halka sidoo kalena ay wasaaraddu ku guulaysatay qorshaha siyaasadda kala xadaynta beeraha ilaa iminkana la soo saaray oo la sharciyeeyey in ka badan 5600 shahaado oo tilmaamaya mulkiyadaha beeraha.
Prof geedoole wasiirka beeraha ee Somaliland waxa uu ku celiyey baaqii ku aadanaa maalgashi lagu samaysto beerista iyo soo saarista bariiska oo ay hada ka hor tijaabisay wasaaradiisu isla markaana guul laga gaadhay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com