Hargaysa 02.May (SDN) Tartankii Ciyaaraha Gobolada dalka ayaa Maanta Si rasmi ah uga furmaya Garoonka Kubada Cagta ee Hargaysa Stadium .
Tartankan waxaa ka qayb qaadanaya Sadex iyo Toban Gobol inkastoo Xulka Gobolka Salal oo hore u shaaciyay inay ka hadheen sababo dhinaca dhaqaalaha ah awgood ay Xalay soo gaadheen Magaalada Boorama,Iyadoo aanay kala cadayn inay si rasmi ah uga qayb gali doonaan tartankan galabta furmaya iyo in kale .
Tartankan waxaa sida ku talo galku yahay si rasmi ah u furaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.
Amaanka Garoonka Hargaysa Stadium ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la geeyay askar tiro badan si ay ula tacaalaan hadii ay wax rabshado ahi yimaadaan,iyadoo ay Ciidamada la hawl galayaan Gudi Odayaal iyo dhalinyaro isugu jirta oo ka mid ah Shacabka ku dhaqan Degmada Axmed Dhagax.
Idaacada Radio Hargeisa iyo Telefishanka Qaranka oo labaduba ku hadla afka dawlada ayaa Sheegay inay si Toos ah Maqal iyo Muuqaal u soo tebin doonaan Mudada uu tartanka Ciyaaraha ee Goboladda dalku socdo,Sidaasna waxaa noo xaqiijiyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland C.rashiid Jibriil Yuusuf.
Gobolka Martida loo yahay ee Maroodijeex iyo Saraar oo ku wada jira Group-ka A ayaa lagu furi doonaa Bilowga Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee Gobol kastaaba waxa uu damacsan yahay inuu Guusha Koobka Gobolada Somaliland uu Si Xarago leh u qaato,haddii aanu nahay Bah’da Shabakada Qurbejoog.com waxaan u balaqaadayna dhamaanba inta ku Xidhan Shabakada inay si joogto ah ugu soo tebin doono Wararka iyo Warbiximaha la xidhiidha tartanka ciyaaraha
Hargeisa SDN.
Qurbejoog.com
